Jaaliyada Umadda reer Ogadeniya ee dalka Yemen ayaa maanta ku qabatay Shir aad u balaadhan guriga umadda shirkaasoo lagu abaabulayay shacabwaynaha ku sugan wadanka Yemen, Shirka waxaa furay Godoomiyaha jaaliyada Dalka Yemen oo ka hadlay ugana warbixiyay xubnihii meesha isugi yimid xaalada dalka uu marayo iyo tan halganka loogu jiro xoriyada shacabka soomalida ogadeniya gudo iyo dibadba. waxaa sidoo kale waxaa qadka taleefanka kaga qaybcgalay shirka Hogaanka arimaha dibadda ee JWXO Mudane/Halgame Cabdiraxmaan sheekh Mahdi maadeey Oo iasagana Khudbad aad u dheer Halkaa uga jeediyay Shacabwaynihii Shirkaa ka soo qaybgalay asagoo Dhinacyo badanka hadlayay sida abaabulka iyo in lagu bixiyo dadaal aad u dheer sida gumeysiga sii dhacay la isu daba raacin lahaa iyo waqtigii laga takhalusi lahaa sida loo soo dedejin lahaa ,mudanaha waxuu kaloo ka hadlay in halganka uu marayo meel sare lana gaadhay guulihii lagu hanan lahaa xoriyada Ogadeniya sidoo kale mudanaha waxuu ka hadlay in Ethiopia lagag adkaaday halgankii xaqa ahaa lagula jiray, ugu dambeynitii shirka aya ku soo dhamaaday farxad iyo xamaasad buuxda oo ka muuqatay Bulshadii ka soo qaybashay shirka ayagoo balan qaaday inay sii laba laabi doonaan dadaalka dheer ay ugu jiraan halkankooda xaqa ah.
HOGAANKA WARFAAFINTA JAALIYADA DALKA YEMEN……..
MOHAMMED ABDULAHI ABDI

image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay