Waxaa halkoodii ka sii socda   dagaaladii ay cwxo kaga soo horjeedeen  gumaysiga doolka ku yimid dalka ogaadeenya. Waxaa Ogadenya soo maray gumaysiyo noocyo kala duwan u soo adoonsaday shacabka hasa ahaatee waligood kala horjeeday gumaysiga dagaalo gobanimodoon oy ku diidan yihiin heeryada gumaysiga.  

JWXO oo hada hogaaminaysa halganka shacbiga Ogaadenya ayaa ku ballan qaaday inaan gumaysiga Itoobiya ku gam’in ciida Ogaadeenya, dunida ku dhex marin damaashaad iyo soo dhaweyn. Balantaas fulinteeda waxa  dusha u ritay  CWXO iyo jaaliyadaha shacabka Ogadenya ee qoraxda aanay ka dhicin.

Hawlagadii ugu danbeeyayna waxay u kala dhaceen sidan

29/09/2011 waxaa lagu gubay deegaanka Galaalshe gaadhi nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada cadawga kaas oo isaga iyo wixii saraaba la baabi,iyay

2/10/2011 hawlgal maalinimo oo laga fuliyay Dhaban oo ka tirsan degmada Garbo waxaa cadawga lagaga dhaawacay 2 askaro

3/10/ 2011 dagaal ka dhacay  meesha  lagu magacaabo Qay oo ka tirsan degaanka  Garbo waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay  2 askari 1 kala waa lagaga dhaawacay isla taariikhdan dagaal kale oo ka dhacay Bakhti waye oo Garbo ka tirsan waxaa cadawga lagaga dilay  hal  askari

10/10/2011  dagaal ka dhacay ceelka caanka ah ee Bulaale waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay  8 askari waxaana lagaga dhaawcay 14 kale. Isla taariikhdan waxaa gudaha magaalada Garbo lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii maamulka tigreega ee degamada Garbo

14/10/2011 waxaa deegaanka Galaalshe ay CWXO ku gubeen baabuur uu leeyahay cadawga oo ah nooca daabula ciidamada. Isla maalintaa ayaa waxaa lagu gubay  baabuur uu  lahaa cadawgu meesha lagu magacaabo Malka-madaw  oo ka tirsan deegaan ka Galaaalshe oo loo adeegsaday miino. Baaburkan oo ahaa nooca qaada ciidamada ayaan waxba ka bixin isaga iyo wixii saraa

15/10/2011 waxaa  dagaal ka dhacay tuulada Huuraale oo ka tirsan degmada dhagaxbuur  lagaga dilay ciidamada cadawga  5 askari. Isla taariikhdan waxaa lagu baab’iyey  hal baabuur oo ay ciidamada cadawgu leeyihiin iyo wixii saraa tuulada Qoloji

17/10/2011 dagaal gaadmo ah oo lagu fuliyay ciidamada cadawga oo hawlgal  ku joogay Garigo’an waxaa lagaga dilay 3 sakari  waxaana lagaga dhawaacay 2 kale

Wararku waxay intaa ku darayaan in ay jiraan dad maxaabiis ah oo lagala baxay jeelka way nee lagu ciqaabo  shacbiga ogaadeenya ee loo yaqaan jeel Ogaadeen.   Tirade maxaabiistan waxaa lagu sheegay ilaa iyo 20 ruux oo laga soo magacdhabay  Guuleed Casoowe oo ahaa gacanyarahii koowaad ee ina ilay  dadkan ayaa sida la sheegayo loo wareejiyay jeel ku yaal   gobolka shawa

Dhanka kale waxaa jira dhac iyo boob loo gaysatay  dad ganacsat yaryar ahaa oo waxoogaa ay nafta ku  madadaalin jireen lagaga wareegay waxaana ka mid ah dadkaas   Axmed yaasiin maxamed oo  laga dhacay  35,000 oo bor  iyo bagaash gaarayo 100,000 bir

ONA.

 

 
 

1 Comment

  1. hassan says:

    very good job cwxo!
    waan idinnla jirra meel aan joognaba!

    ONA Mahadsanidin Qaabka wararka wax yar ka badala oo heading iyo conclusion u sameeya,

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay