In kastoo is-baddalka cimilo ee adduunka ku yimid ay ka dhasheen dhibaatooyin waawayn oo waxyeelleeyay dadyow badan oo dunida dacalladeeda ku kala dhaqan, isla markaana halagaay ummaado badan, haddana dhibaatada uu is-baddalkaasi gaadhsiiyay dhulalka Ogaadeenya iyada lafteedu kama dhacdo marka la eego waxyeellada joogtada ah ee sannad walba la soo gudboonaada bulshada Soomaaliyeed ee Ogaadeenya. Dhibaatada ugu wayn ee la rumaysan yahay inay is-baddalka cimilo ka dhalatay ee bulshada Soomaaliyeed ku dhacda, waa Abaarta soo noqnoqonaysa ee qiyaastii sannad walba ay dad iyo duunyo badani u dhintaan.

Dhulalka Soomaalidu degto ee Geeska Afrika oo dhan waxaa ka jirta Abaar aad u qallafsan oo fara ba’an ku haysa guud ahaanba dadka iyo duunyadaba. Waxaa biyo iyo baad la’aan u dhammaaday xoolihii ay dadku dhaqanayeen. Meelo badan oo dhulalkaas ka mid ahna, waxaa jira dad iyaguna harraad iyo dar-xumo u dhintay.

Dhibaatadani waxay ka mid tahay imtixaannada kala duwan ee Eebe Makhluuqiisa ku tijaabiyo, sidaas darteed waa lagama maarmaan inaan ku samirno, laakiin nasiib darradu waxay tahay marka dhibaatadaas dabiiciga ah ay kuugu darsanto mid kale oo Aadane kuu gaysanayo.

Abaaruhu waligood way ka dhici jireen deegaannada Ogaadeenya, haba kala darraadeenee, laakiin dhibaaooyinka ay gaystaan Abaaraha xilliyadan denbe dhacaya waxaa sii labanlaabay cadaadiska ba’an ee gumaysiga Itoobiya ku hayo dadwaynaha Ogaadeenya. Waxaa laga yaabaa in qofku is-waydiiyo xidhiidhka ka dhaxayn kara Abaaraha Alla keenka ah iyo gumaysiga. Si aan arrintaas u caddeeyo aan tusaale kooban soo qaato.

Mar aan sidaas u fogayn waxaa harraad ugu dhintay mid ka mid ah deegaannada Wardheer hoos-yimaada seddex carruur ah oo hal qoys ka soo jeeda. Meesha ay carruurtani ku dhinteen waxay magaalada Wardheer u jirtaa masaafo aan 25 km ka badnayn. Aabaha carruurtaas dhalay waxaa suuragal u ahayd inuu reerka uga soo dhaamiyo Wardheer, oo ay ku yaallaan qaar ka mid ah Ceelsha deegaannadaas ugu biya badan. Hase yeeshee nasiib darro ciidammada gumaysigu waxay dadwaynaha deegaanka ka mamnuuceen inay Ceelasha ka dhaansadaan, iyagoo ku andacoonaya inay ka baqayaan in biyaha loo geeyo ciidammada Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta gumaysatada Itoobiya.

Arrintani waxay qayb ka tahay cadaadiska iyo xadgudubyada ay xukuumadda Itoobiya ku hayso dadwaynaha Ogaadeenya. Ciidammada gumaysigu waxay dadwaynaha ka ilaaliyaan biyaha iyo raashiinka, waxaana qofka loo oggol yahay inuu afkiisa uga cabbo oo kaliya.

Haddii uu qofku isku dayo inuu Caagad biyo ah magaalada kala baxana, waxaa ka daadiya ciidammada Kantaroolka jooga, kuwaasoo qofka xidha ama laga yaabo inayba dilaan, iyagoo ku eedaynaya inuu Jabhadda Saad u waday. Taasi waxay keentay in dad iyo duunyo badani ay harraad u dhammaadaan iyadoo ay biyihii u muuqdaan.

Biyaha ay dadkii iyo duunyadii u xaq lahaa sidaas uga qatan yihiin, waxay ciidammada Itoobiya lacago badan kaga gataan Booyadaha Soomaaliya ka yimaada. Ma xuma in bulshada Soomaaliyeed ee Abaarta la tabaalaysan looga dhaamiyo meel kastoo biyo yaallaan, laakiin waxaa nasiib darro ah in dadkii deegaanka laga af-qabto. Ogow Ceelasha laga hadlayo xukuumadda Itoobiya ma laha ee waxaa iska leh dadwaynaha laga soomiyay.

Dhacdadani waxay kuu miijinaysaa heerka ay gaadhsiisan tahay dhibaatada uu gumaysigu ku hayo dadwaynaha Soomaaliyeed ee Ogaadeenya. Xukuumadda Itoobiya waxay lixdii sano ee u denbeeyay cunaqabatayn naxariis darro ah ku haysay Ogaadeenya. Sideedaba nolosha Ogaadeenya waxay si aad ah ugu xidhnayd dhinaca Soomaaliya, xidhiidh ganacsi oo aad u wanaagsan ayaana ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Ogaadeenya. Dhinaca kale ma jiro xidhiidh noocaasoo kale ah oo u dhexeeya Ogaadeenya iyo Itoobiya.

Itoobiya oo cunaqabatayn door-biday

Haddaba xukkumadda Itoobiya waxay sannadkii 2006 go’aansatay inay xidhiidhkaas goyso, si ay dadwaynaha u nuglaysiiso oo ay ugu qasabto inay Jaraheeda oggolaadaan. Waxay ciidammo dhigtay guud ahaanba marinnada u dhexeeya Soomaaliya iyo Ogaadeenya ee ku teedsan Xad-beenaadka, waxayna joojisay gabi ahaanba gaadiidkii labada dhinac u kala shaqayn jiray. Ciidammada Itoobiya waxay ugaadhsi ku billaabeen wax kasta oo Xad-beenaadka ka gudbaya, waxayna dadka ka mamnuuceen inay xadka kala gudbaan wax ka badan Maryaha ay xidhan yihiin.

Dhinaca kale waxay isagana joojisay gaadiidkii Ogaadeenya ka dhex-shaqayn jiray, waxaana gaadiidlaydii qasab ku noqotay inay baabuurtoodii xaaraashaan, ka dib markii dhaqdhaqaaq loo diiday. Waxay ciidammada Itoobiya gaadheen heer ay laayaan Awrta iyo Dameeraha ay dadwaynuhu gaadiid ahaanta u adeegsanayeen.

Waxay Itoobiya sidoo kale Ogaadeenya ka mamnuucday ururrada samafalka ahi inay ka dhex-shaqeeyaan. Kuwii xilligaas ka hawlgalayayna waxay ku qasabtay inay ka soo baxaan, oo hawlgalladooda u wareejiyaan gobollo kale oo Itoobiya ka mid ah haddii ay doonayaan inay hawlohooda sii wataan.

Waxaa Ogaadeenya mamnuuc ka ah saxaafad oo dhan, ama ha noqoto mid maxalli ama mid caalami ah. Dadwaynaha looma oggola inay ra’yigooda cabbiraan ama ay waraysiyo siiyaan saxaafadda caalamka. Waxaa jira suxufiyiin caalami ah oo dhawr mar oo kala duwan si dhuumasho ah ku galay Ogaadeenya, kuwaasoo warbixino kala duwan ka diyaariyay dhibaatada ay Itoobiya ku hayso dadwaynaha rayadka ah. Qaar ka mid ah dadkii ay suxufiyiintaasi waraysteen ciidammada Itoobiya ayaa laayay, qaar kalana waxay ku dar-xumaysan yihiin xabsiyada Itoobiya.

Tallaabooyinkan oo dhami waxay qayb ka yihiin siyaasadda Itoobiya ee cabudhinta iyo cadaadiska ku dhisan. Ujeeddada ugu wayn ee cadaadiskan ay ka leedahay waxay tahay inay dadwaynaha oggolaysiiso siyaasadeeda gumaysi, isla markaana ay ku wiiqdo xooggaga goboanimo doonka ah ee la dagaallamaya, hase yeeshee nasiib wanaag, lix sannadood ka dib, waxaa muuqata inay siyaasaddaas ku guul darraysatay, natiijadii ay ka filaysay mid ka soo horjeeddana ay ka dhalatay. Waxaa sii kordhay dagaalkii lagula jiray. Waxaa sidoo kale aad u sii korodhay taageeradii ay dadwaynuhu u hayeen Jabhadda ONLF, oo ay hubaan inay tahay dariiqa kaliya ee lagaga bixi karo dulliga gumaysiga.

Qore/Axmad Yaasiin

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay