Hay’ada amniga ee Midowga Yurub (EU) ee loo yaqaan EUROPOL ama booliiska Midowga Yurub ayaa sheegay inay wadaan qorshe ah in askar ladagaalanta kooxaha argagaxisada lageeyo xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalalka Giriiga iyo Talyaaniga.

Ciidamadan ayaa baadhitaan ku samayn doona in qaxootiga soo galaya dalalkaasi ay wax xidhiidh ah laleeyihiin kooxaha argagaxisada ah oo laga cabsi qabo inay isku soo dhex qariyaan dadka tahriibta ku gala qaarada Yurub.

Agaasimaha Hay’ada la dagaalanka argagaxisada ee Midowga Yurub Mr. Manuel Navarrete ayaa saxaafada u sheegay in hada tababaro loo soo xidhayo ciidamadaasi dhawaan ka hawlgeli doona xeryaha qaxootiga.

Dalalka Yurub ayaa si weyn uga cabsi qaba khatarta uga imaan karta kooxaha Daacish iyo Al-Qacida oo horay u sheegay inay usoo diri doonaan dagaalyahano weeraro kagaysta wadamada Midowga Yurub, waxaana la rumaysan yahay in qayb kamid ah kooxdii gaysatay weerarkii Paris ee dhamaadkii sanadkii hore ay isku soo dhex qariyeen dadka qaxootiga ah si’aan loola socon dhaq dhaqaaqooda.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay