Oslo, 21-Oct-11- Waxaa gelinkii dambe ee maanta xarunta Parlemanka dalka Norway ee Oslo, ka dhacay kulan heer sare ah oo ay wada yeesheen gudoomiyaha Jaaliyadda S. Ogadeenya, Mudane Abdirahman Sheikh Yusuf, Wakiilka HAD Mudane Mohamed Dheeg oo dhinac iyo la taliyaha Arimaha Dibadda ee xisbiga Frp (Progress Party) ee dalka Norway, oo ah ururka mucaaridka ee ugu weyn wadanka.

Kulankan, ayaa yimid kadib markii Jaaliyadda Soomaalida Ogadenya ee Norway, sameysay bilowgii bishan October, mudaharaad balaadhan oo ay kaga soo horjeedeen imaanshaha Kaligii taliyaha Itoobiya Males Zenawi, oo wax uusan filanayn ka qabsaday goobta shirka, guul daro iyo jab siyaasadeedna uu ka soo gaadhay.

Lataliyaha Xisbiga Frp, Mr. Pål Arne, ayaa u sheegay waftiga uu qaabilay sida uu ugu faraxsan yahay kulanka uu la qaadanayo mas’uuliyiinta Jaaliyadda iyo HAD, isagoo sheegay in xubnaha ugu jira Parlemanka  ee ururkiisa FrP, wado qorshe balaadhan oo lagu horjoogsanayo, kaalmadda dalka Norway u sii mariso hay’adaha qaramada midoobay, taliska Addis Ababa oo uu diirka ka qaaday inaysan malin wadadii loogu talo galay, balse ay noqotay kaalmo lagu xasuuqo Ogadeenya, cadaadisna loogu geysto shucuubta Itoobiya.

Mr. Pål, ayaa cadeeyey inuu booqasho ku tagay Itoobiya, uuna ku soo arkay nidaam Dictator ah, loona diiday inuu booqdo dhulka Ogadeenya, Isagoo balan qaaday inuu dadaal weyn u geli doono sidii loo badali lahaa xukunka kaligii taliyaha Males Zenawi.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Jaaliyada iyo wakiilka HAD ee kulanka ka qeyb galay, ayaa uga mahad celiyey Mr. Pål Arne, ahmiyadda balaadhan ee uu siinayo qadiyadda Ogadeenya, Iyagoo gudoonsiiyey warbixino iyo qoraalo cusub oo ka turjumaya tacadiyadii ugu dambeeyey ee gumeysiga woyaanuhu ka geystay dalka Ogadeenya. Sidoo kale, waftiga ayaa la balansan maalmahan soo socdo xubno iyo ururo siyaasi ah oo dalka Norway ka jira.

Dadaaladda iyo hawlaha wax-qabad ee ay wadaan Jaaliyadda Soomaalida Ogadeenya, ayaa ah kuwo lagu dardar-gelinayo sidii aduunku wax uga qaban lahaa xasuuqa gumeysiga Itoobiya ka wado Ogadeenya, la iskuna barbar taagi lahaa qadiyadda Shacabka Ogadeenya ee xaqqa ah.

 Mohamed Ilays\ONA

Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay