Waxaa shalayto oo ay taariikhdu aheyd  21-010-2011  lagu qabtay hawlka dhaqanka iyo fanka  ee magaciisa  ladhoho Little Theatre oo ku yaala badh-tamaha magaalada Central Port Elisabeth siminaar looga hadlayay is-dhexgalka bulshooyinka kala badalan ee ku nool gobolka Nelson Mandela Bay.

 Siminaarkan ooy soo qabanqaabiyeen laba hayadood oo kala ah IHASA iyo AFRICA UNITE oo ah urur bulsheedyo u dhaq-dhaqaaqa horumarinta arimaha bulshada, ayaa lagu martiqaaday urururo bulsho oo ay ka midtahay  OGADEN COMMUNITY IN SOUTH AFRICA (JOKA) Iyo Somali community SASA

Jaaliyada ogadeniya ee  JOKA  ayaa  ka  heshay  marti  qaad  haayada AFRICA UNITE oo ay horay  u  wada  lahaayeen  wada  shaqeen waxana ka  qeeb galay  shirkaas wafti ka socda jaaliyadda oo ka koobnaa 4 xubnood.

Inkasta oo waxyaaba badan looga hadlay siminaarka hadana dulucdu waxay ahayd isfahansiinta  bulshooyin ku kala duwan dhaqanka, dhaqaalaha , luuqada iyo diintaba.

Dadka sida wayn uga hadlay work shops- ka waxa kamid ahaa kuxigeenka duqa magaalada port Elizabeth oo ku nuux-nuuxsaday sida bulshadu isugu baahantahay isdhexgalkuna u yahay furaha horumarka bulshooyinka. Wuxuu si gaar ah u sooqadatay in joogitaanka  Somalidu yahay mid faa iido dhaqaale u keenaya dalka islamarkaa ay tahay in la abuuro xidhiidh-bulsho oo sii adkeeya isdhexgalka iyo isfahanka dadka kuwada nool halmeel. waxay gabadhaasi, kuxigeenka  duqa magaalada ihi  si dhiiran ugu kaftantay in loobaahanyahay in Somalidu guursato dumarka deegaanka si ay u dhalaan bay tidhi ciyaal qurux badan islamarkaana noola wadaagaan magacaanta Sipho iyo Bongaani hadalkas oo sacab iyo qosolba  kadhexkiciyay shirka.

 Waa markii koobaad ee aqoon iswaydaarsi noocan oo kale ah la qabto waxayna umuuqataa inay tahay mid lagu dajinayo siyaasada ku saleesan arimaha kasoo kordhay gobolka Gauteng  oo shisheeye nacayb kusalaysan.

Dadka hadlayay waxay aad ugu cel-celiyeen sida loogu baahany in somalidu ka qaybqaadato arimaha kobcinaya is-dhexgalka iyo  is aaminaada bulshooyinka wadanool.

Nin horay u ahaanjiray danbibaadhe iyo sirdoonka qaranka oo hadda hawlgab ah ayaa sitoosa carabka ugu dhuftay inay jiraan dad laga soo dhoofiyay wadamo kale oo siyaasadoodu xuntahay  si ay u soo dilaan dad wadankan nabadgalyo u soo doontay arintaas oo dadku aad ugu dhag taagay ayuu ku sheegay inay tahay arin uuna rabin inuu halkan ku falanqeeyo  isagoo sheegay in baadhis lagu samayn doono arintaas.

Samenaarkan  oo furmay 8.30 subaxnimo  ayaaa  soo  xidhmay 4tii galbanimo wuxuuna ku soo  xidhmay is  af  garad  iyo in  lasii  wado semanaarada iyo  shirarka noocan ah lana  xoojiyo siyaasada community si ay isu bartaaan .

ONA/ KA

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay