Ururka hubaysan ee Xisbullaah ee Lubnaan ayaa sheegaya in kooxaha xagjirka ah ee Sunniyiinta ah ay mas’uul ka yihiin dilka Jumcihii loo gaystay hogaamiyihii ugu sarreeyay kooxdaasi gudaha waddanka Suuriya oo lagu magacaabo Mustafa Badrudiin.

Mustafa Badrudiin ayaa waxa uu tobanaan sano Xisbullaah u ahaa xubin muhiim ah, isagoo isticmaalay dhowr isbahaysi. Mustafa Badrudiin ayaa la rumaysan yahay inuu mas’uul ka ahaa dhammaan howlgallada ciidan ee Xisbullaah uu ka fuliyay gudaha waddanka Suuriya tan iyo 2011.

Kooxdan Shiicada ah ayaa waxay kumannaan ciidamo ah u dirtay dalkaasi si ay u taageeraan Madaxweyne Bashaar Al-Assad. Maleeshiyaadka Xisbullaah ayaa la dagaalama dhowr kooxood oo fallaaga ah oo kasoo horjeeda maamulka Madaxweyne Assad, kuwaasi ooy ka midyihiin kooxda loo yaqaan Dowladda Islaamiga (ISIAS) ah iyo jabhadda Al-Nusra.

Bayaan kasoo baxay kooxda Xisbullaah ayaanan lagu magacaabin koox gaar ah oo ka dambeysa weerrarka, hasayeeshee waxaa lagu tilmaamay waxa ay ugu yeedhay kooxaha Takfiiriga ah– ama Sunniyiinta Xagjirka ah inay ka dambeeyeen qaraxa ay kooxdu leedahay waxaa lagu bartilmaameedsaday saldhig uu Xisbullaah ku leeyahay meel u dhaw gagida diyaaradaha ee magaalada Dimishiq, weerrarkaasi oo lagu dilay Mustafa Badrudiin iyo xubno kale oo ururka Xisbullah katirsanaa.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay