Hawlgalada ay CWXO kula jiraan maxaystada Tigreega soo ururiyay ayaa waxay u dhacaan si maalinle  ah kuwaasoo inta badan guushu lagu jabiyo iyadoo cadawga lagaga furto hub iyo saanad ciidan oo kala duwan.

Hadaba waxaa maalmahan si dardarle looga dareemaya aagaga ay CWXO ka hawlgalaan inay jiraan dhaqdhaqaaq xoogan oo ay samaynayaan naftood-hurayaasha CWXO iaydoo ay dhaceen dagaalo khasaare naf iyo maalba leh loogu gaystay cadawga. Warbixaintii ugu dambaysay een helnay ayay dagaalada u kala dhaceen sidan;  

29/9/2011 waxaa Goodle oo ka tirsan deegaanka Shilaabo lagaga gubay cadawga hal baabuur iyo wixii saraa

10/10/2011  waxa uu dagaal ka dhacay Qarsoodi  oo ka tirsan degmada Shilaabo waxaana cadawga lagaga dilay 2 askari  2 kalana waa lagaga dhaawacay

17/10/2011 waxay dagaalo ka kalal dhaceen deegaanka  Labi-gorayaale oo ka tirsan Ananu iyo deegaanka Garigo’an   waxaana cadawga lagaga dilay  7 askarai waxaana lagaga dhaawacay 14 askari ,iyadoo halkaa lagaga furtay  saanada ciidan

19/10/2011 werar gaadmo ah oo lagu qaaday tuulada Gurdumi ee degmada Aware waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  5 askari waxaana lagaga dhaawacay 4 kale

20/10/2011 weeraro  lagu qaaday habeenkii iyo maalintii ciidanka cadawga oo ku sugnaa deegaanada  Sasabane, Huuraale , Qudhaclay iyo Ruqaayu  oo ka wada  tirsan degmada Dhagaxbuur waxaa  halkaa lagaga dilay  20  askari waxaana lagaga dhaawacay  37  askari   waxaa kale oo lagaga gubay halbaabuur iyo wixii saraa ,dagaaladan ayaa cadawgu sheegay inuu kala kulmay kahasaare balaadhan.

Dhanka kale waxaa jira dhac iyo xadhig loo gaystay dad shacab ah ka dib markii ay ciidamada wayaanuhu ku guuldaraysteen dagaaldii milatari ee ay kula jireen cwxo

Xidh xidhka shacabka ogaadeenya ayaa noqday meesha uu ku cadho baxo cadawgu sidoo kale waxaa uu gaystaa dhac iyo boob lagu qaadano hantida shacabka. Faafaahinta arimahaa kala socda warbaahinta.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay