Waxaa maalinta Jimcaha oo taariikhda ku beegan tahay 20.05.2016 la qaban doonaa shirka xubnaha xarunta iyo kan faraca Johannesburg oo ka dhici doono xafiiska JOKA-Pretoria.Shirkan oo ka duwan kuwii horey loo qaban jiray muhiim na ay tahay iney xubnaha Gauteng ka soo qeyb galaan dhamaantood ayaa waxaa marti ku ah masuul sare oo ka tirsan Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia kana mid ah Gudiga Fulinta JWXO mudane Mohamed Rashid Abdillahi oo Bishan oo idil ku sugnaa dalka Konfur Africa.
Mudane Mohamed Rashiid waa rug cadaa ku xeel dheer Arimaha Geeska Africa khaasatan arimaha Ogadenia.
Shirkan oo ah shir in badan la sugayay ayaa masuulka iyo xubnaha laga arinsan doonaa xaaladaha kala duwan uu halganka Ogadenia uu marayo iyo sidii xubnaha Konfur Africa door weyn uga qaadan lahaayeen halganka Ogadenia iyo sidii looga faaiideysan lahaa Wayaanaha oo waqtigiisa sii liicaya .
Shirkan dhici doono ayaa xubnaha lagu siin doonaa siminaaro dhan walba ah hadey tahay dhanka maamulka iyo tayenta xubnaha IWM.
Hadaba waxaa xubnaha sharafta leh laga codsanayaa iney si wanaagsan uga soo qeyb galaan Shirkan qiimaha badan.
Wixii faah faahin ah oo ku saabsan shirka kala soo xidhiidh
Ahmed Dahir Digale :+27 843 868 432
Mohamed Kafi Sh :+27 813 361 357
MIDNIMO MINTID ISKUTASHI
ALLAAHU AKBAR
Mohamed Kafi
Pretoria
South Africa

JOKA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay