Waxaa maanto oo taariikhdu ku beegneed 15/05/2016 kormeer ku tagay magalada FLEN iyo Hallstahamar Gudiga jaaliyada Sweden iyo madaxda JWXO masuuliyiintan ayaa ugu horeen ku hormaray magalada Flen halkaas oo kulan kula qaaten Xubnaha jaaliyada Sweden ee ku sugna magalada Gudoomiyaha jaaliyada mudane Abdi bashir ayaa ka warbixiyay xaalada halganka kulana dardaarmay dadaaal dheeriya xubnaha kadibna kusoo dhaweeyay hadalkii Xildhibaan Riyaale xaamud iyo Xildhibaan Abdi naasir (gadhwayne )

Booqashadan oo aheed mid qorshaysan oo loga gol lahaa abaabul iyo dhiirigalinta xubnaha halganka ayaa waxaa erayo ka soo jeediyay labada masuuul xildhibaan Abdi naasir ayaa isagu ku dheeraday dadaalkii loo galay jaaaliyada Sweden inay halkan soo gaadho noqotana  lafdhabarka halganka.

Xildhibaan Riyaale xaamud ahna hogaanku xigeenka garsoorka jabhadda ayaa isaguna xubnaha u sheegay in looga bahan yahay dadaal iyo hawlkarnimo dheeriyo madamo halganku maanta marayo meel xasaasi ah.

Madaxda ayaa usii gudbay magalada Eskalistuna halkaas oo kaga hadheen gudiga jaaliyada Sweden Madaxdii JWXO ayaa ayagu sii watay kormeer koodi una sii gudbay magalada Hallstahammar halkaas oo kula kulmeen xubnaha jaaaliyada Sweden qaybta Hallstahammar madaxda ayaa xubnaha la wadaagay warbixinta halganka iyo dardaaran guud.

Socdaalkii masuuliyiinta isugu jiray gudiga jaaaliyada Sweden iyo madaxda JWXO ayaa ahaa midku salaysan gudashada waajibaadka halganka iyo abaabulka xubnaha jabhadda ee gobalada Sweden wuxuuna ku sooo dhamaaday guuul,

By Heegan

ONA Sweden

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay