Illaalada Madaxtooyada Maraykanka ee Aqalka Cad ayaa toogtay nin ku hubeysan Bistoolad oo isku dayey inuu goobtaasi sida weyn loo illaaliyo galo.

Ciidamada illaalisa Aqalka looga taliyo Maraykanka ayaa gebi ahaan nawaaxiga xaruntaasi xiray, iyadoo illaa iyo hada aan la ogeyn waxa ku sababay ninkan hubeysan inuu isku dayo inuu hub la galo Aqalka Cad.

Ninkan hubeysan ayaa la sheegay inuu si bareer ah usoo weeraray goobtaasi, sida ay illaaladu sheegtay, waxaana la toogtay kadib markii oo bistoolada ku fiiqay wajiga hore ee laga galo xarunta Aqalka Cad.

Madaxweyne Barack Obama ayaa la sheegay in xiliga toogashadan dhacday uu ka maqnaa Aqalka Cad, balse waxaa la sheegay inuu halkaasi ku sugnaa Madaxweyne kuxigeenka Joe Biden.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay