Dowladaha Maraykanka iyo Afghanistan ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay hogaamiyihii kooxda Talibanka ee Mullah Akhtar Mansoor.

Mullah Akhtar Mansoor ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha Drone-ka Maraykanka, duqeyntaasi oo la rumeysan yahay in habeenimadii Sabtida soogaleysay ay ka dhacday deegaanka u dhaw xaduuda u dhaxeysa dalalka Afghanistan iyo Pakistan.

Waxaa sidoo kale geerida hogaamiyahan xaqiijiyey xubno kamid ah kooxda Talibanka.

Balse Afghayeenka kooxdaasi Talibanka ayaa beeniyey in hogaamiyahooda lagu dilay weerarkaasi.

Maaha markii ugu horeysay oo ay soo baxaan warar sheegaya in la khaarajiyey hogaamiyaha Talibanka.

Bishii December ee sanadkii tagay ayey dowlada Afghanistaan sheegtay in hogaamiyahaasi lagu dilay iska horimaad. Walow markii danbe ay kooxda Talibanka shaacisay cajalad cod ah oo uu hogaamiyahaasi soo duubay isagoo beeniyey in la dilay.

John Kerry Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay hogaamiyahan lagu wargeliyey dowladaha ay xulafada yihiin ee Pakistan iyo Afghanistan. Wuxuuna sheegay in Mullah Akhtar Mansoor uu khatar weyn ku ahaan amniga gobalkaasi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay