Maanta oo axad ah waxaa magaalada Pretoria ee caasimada wadanka Konfur Africa lagu qabtay xaflad aad u Balaadhan oo lagu masmuusayay 25 guuradii kasoo wareegtay xornimadii wadanka Eritrea, xafladan oo aheyd mid sifiican loosoo qorsheeyay ayaa waxaa si rasmi ah loogu casumay Jaaliyada Somalida Ogadenian ee Konfur Africa (JOKA).Waxaa xaalada ka qeyb galay Mudane M.Rashiid Cabdullahi, Gudoomiye Feysal Fade, Maxamed Daahir iyo Maxamed Qani.
Munaasabatada lagu maamuusatay sanad guurada wadanka Eritrea ayaa waxaa lagu casumay kaliya Diblomaasiyiin iyo Siyaasiyiin iyo Hay’adaha samaalka iyo ururo bulsho.
Waxaa xaflada si rasmi ah u furay Safiirka wadanka Eritrea u fadhiya wadanka Konfur Africa Amb Salih Omar Abdu. Safiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay mahadnaq iyo soo dhaweyn dhamaan marti sharaftii kasoo qeyb gashay xaflada.soo dhaweyn ka dib ayaa Amb Salih Omar ku dheeraaday halganka dheer ee Eritrea u soo martay ka xoreynta dalkooda waxa uu ugu yeedhay gumeystaha madow ee Ethiopia.Wuxu Safiirku xusay in Eritrea dadaal dheer iney wadankeeda ka xoreyso Ethiopia in ka badan 30 sano oo dhiig badan ku daatay. Erayadiisa waxaa ka mid aha “On this day in 1991, Eritrean People’s Liberation Front forces moved into the capital Asmara reinstating the independence, following a 30 year – long battle against Ethiopian military regime . Amb Salih Omar ayaa sidookale ka hadlay waxa ugu yeedhay beenta la malmaluuqay (manufacturing lies) oo lagu waxyeeleynayo horumarka, xasilooni da ka jirta wadanka Eritrea iyo in caalamka intiisa badan loo tusto in Eritrea tahay wadan argagixisada maalgaliso.
Amb Salih wuxu kaloo ka hadlay in wadankooda uu hodan yahay hadey tahay dhanka dalxiiska ama kheyraadka dabiiciga ah. Waxaa xaflada ka hadlay marti sharaf kala duwan oo u hambalyeeyay mushtanaca reer Eritrea.
Guntii iyo gunaanadkii waxaa xaflada lagu soo xiray hidaha iyo dhaqanka ee ay soo bandhigeen hablo yaryar iyo inamo oo aad dadkii xaflada fadhiyay ay la dhaceen.
Mohamed Kafi
ONA South Africa

image image image image image image image

image

image image image image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay