FAALO: MIDNIMADU WAXAY KEENTAA GOBONIMO.

Xiliga gumaystuhu awood ciidan umad ku muquuniyo sama doonka hadafkiisu yahay dalkiisa iyo dadkiisa oo xorooba wuxuu guntiga u dhuujistaa sidii uu heeryada la saaray umadiisa uga qaadi lahaa isagoo qaadaya talaabo walba oo haboon horseedna u noqon karta xoriyad loo aayo oo mustaqbal, qofku wuxuu noqon karaa dagaalame u badheedhay dhibka iyo haydaartada halgan ee umadiisa marka uu wiiqayo cududa isticmaarka haysta dalkiisa, wuxuu noqon karaa Wariye ama aftahan bulshada kicinaya kuna dhiiri galiya in ay hiigsadaan yoolka fog ee wadada qodxaha iyo dhagaxa badan loo marayo oo ah Xornimada, hadii uu aqoon diineed leeyahay bulshada wuxuu fari karaa jihaadka Allaah ku waajib yeelay iyo in ay ka dheeraadaan ciqaabta ka dhalanaysa hadii la baal maro ama laga gaabiyo jihaadka, wuxuu dhiibi karaa dhaqaalaha oo lagama maarmaan u ah qolo kasta oo jihaadaysa maxaa yeelay hubka, rasaasta, gaadiidka, shidaalka, cunada ciidanka, iyo wax kasta oo aad u baahato oo laga yaabo qaarkood in aad suuq madow ama koontara baan ku soo iibsato waxaa qasab kagu ah in aad hesho qarashkii aad kusoo gadan lahayd.

Qodobka ugu muhiimsan waqtiga gumayste lala dirirayo waxa weeye in bulshada adoonsi diidka ahi isku xidhnaato hadii taasu hirgashana isticmaarka waxay uga dhigan tahay nin daad soo fatahay ama wabi kar kaarada soo jabiyay aqalkiisii qariyay ama ka sare maray oo cagaha dhulka la waayay, isku mowqif noqoshadu waxay xagal daacinaysaa cadawga tabartiisa iyo tabihiisa guracan ee juhdiga iyo hantida uu ku bixiyay si uu adiga kuu yeesho xoolahaadana lagula wareego, waxay hal bacaad lagu lisay ka dhigaysaa ahdaaftiisa qodadadheer geesta kalana waxay soo dadajinaysaa guulo dulmanayaasha raran gubyooday ku talaabsadaan, waxay dhiiri galinaysaa oo ay hamigiisa kor u qaadaysaa kii yara niyad jabsanaa ama aragtidiisu tustay in ka mira dhalinta dagaal gumaystaha ka dhan ahu adag yahay.

Muruqa, maalka iyo maskaxda la gumaystayaasha oo la mideeyo ama la isu geeyo waxay abuuri karaan awood baaxad leh oo u babac dhigi karta ama ka saraysa tii dhagar qabayaasha dhiig ku naaxyada ah ee sidii dameer in ay dad nool u dhaansadaan riyadoodu tustay, dagaalka iyo isku duubnaanta cadawga ka dhan ka ah waxay fure u yihiin guusha ha dhawaato ama ha dheeraatee
isku dayada amaba halgan aan waxba lala hadhin ayaa keenay in wadamo badan oo loo diidanaa madax banaani aakhirki iska dulqaaday Gumaysigii, hayeeshee doqonta hogata ee goroda laalaadisaa waxay cimrigeeda ku dhamaysataa dulinimo iyo gumaysi.

Qaybi oo xukunta gumaystaha
si aan loo helin quwad lid ku ah oo af iyo adin ugu dhaq-dhaqaaqda xaquuqda kuwa dulman gumaystuhu wuxuu isticmaalaa xeelado kala duwan isagoo kaashanaya khibradiisa uu ka dhaxlay qolyihii isaga ka horeeyay ee ku caana maali jiray isticmaarsiga ama adoonsiga, wuxuu tabcadaa adeegayaal danihiisa si toos ah iyo si dadbanba ugu shaqeeya kuwaasoo jagooyin iyo hunguri loogu badalay howl dhagareedka ay hadh iyo habeen u gaystaan shacabka wadaniga ah ee la gumaysto,
wuxuu bulshada u qaybiyaa hadba intuu kari karo ama awoodo dhanka kalana wuxuu ka dhex abuuraa colaad si aanay kola isugu calool fayoobaanin oo aysay u hawaysanin in ay isaga iska caabiyaan, waxaynu dhamaanteen markhaati ka nahay in gumaysiga Itoobiya ay umada Soomaaliyeed isugu dhiibtay hubka sida ba’an wax u gumaada qolo walibana madaxa u salaaxaysa iyadoo u sheegaysa in ay xaq ku taagan tahay.

FG: Hadii koox libaaxyo ah oo baahan lagu dhex tuuro cad hilib ah kuma heshiiyaan sidaas oo kalana wuxuu cadawgu madasha keenaa ama bulshada dhex dhigaa wax in ay isku af gartaan ay lama sugaan tahay tusaalena waxaa noogu filan faderaalka maanta soomaalida lugta iyo luqunta la isugu sudhay.

Soomaaliyey maanta Dad, Deeq iyo Dab (hub) intaba waa haysanaa gobonimana tuugsi laguma helo, wax xoog lagaaga qaatana xoog baa lagu doontaaye cidna baryo kagu siin maysee “Gaalo gadh la qabto malaha ee Gafuur la tumay leedahay”  walaalayaaloow nin seexday saciis diba dhal weeyee xaajaduyee xarbi jihaad ah u tafa xayta dhamaantiin.

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay