War lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay wadanka Ogadenya gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa tibaaxaya in nin waayeel ah oo lagu magacaabo Siraaje Aw-Maxamad Shiil ay ku dileen magaalada Jigjiga koox kamid ah Hawaarinta.

Marxuumkan dhintay oo caan ka ahaa magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda ayaa sida aan warkan kuhellay ay dileen koox kamid ah Hawaarinta xilli uu Marxuumku ubaxay Masjidka si uu salaada subax usoo tukado. Nabaro halis ah oo marxuumka kasoo gaadhay madaxa ayuu kooma galay, kadibna uu udhintay dhaawicii soo gaadhay.

Qaar kamid ah xigtada Marxuumka oo u waramay Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA uga soo warama magaalada Jigjiga ayaa sheegay inuu Marxuumku ahaa nin caan ah oo aad looga yaqaanay magaalada Jigjiga. Waxaa kalooy qaarabada Marxuumku intaas ku dareen inuusan wax siyaasad ah ku lug lahayn, sabab loodilaynay aysan garanaynin.

Ma’aha markii koobaad ee maxaysatada Hawaarintu ay dad shacab ah si washnimo leh u waxyeeleeyaan balse waa arin joogta ah ooy dhaqan u leeyihiin kooxdan Woyaanaha dhidid dhawrka u ah ee loo carbiyay xasuuqa shacabka masaakiinta ah ee Somalida Ogadenya.

Hadaan nahay bahda ONA waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay Allaha u naxariiste Marxuum Siraaje Aw-Maxamad Shiil. Inaa Lillaah Wa Inaa Ilayhi Rajicuun.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay