Wasaarada Arrimaha Dibada Dalka UK ayaa horey u sheegtay inay kulamo la qaateen madaxda Ethiopia kulamadaas oo cadaadis lagu saarayo taliska Woyanaha waxaa heerar kala gadisan lagu arkay Raisal Wasaaraha Ethiopia iyo Wasiirka Arrimaha dibada Ethiopia kuwaas oo lagala hadlay tacadiyada ay taliskaas u geystaan shacabka Ethiopia kuwaas, tacadiyadaas oo looga hadlay warbixin Qaramada Midowday soo saartay iyo Mooshin lasoo dhigay guriga Midowga Baarlamaanka Europe mooshinkaas oo ka dhan ah Ethiopia.

Hadaba waxaa soo xoogaysanaya Eedeymaha loo soo jeedinayo Taliska Ethiopia iyada Dowlada UK Cadaadis badan lagu hayo sidii ay wax uga qaban laheyd xad-gudubyada Ethiopia kula kacdo shacabka. Waxaana Fadhigii Baarlamaanka UK ee u danbeeyay ee 24 May 2016 su’aalo laga weydiiyay dowlada UK xidhiidhka ay la leedahay Dalka Ethiopia gaar ahaan kaalmooyinka ay siiso ee dhinaca Ciidan, gar gaar bani aadanimo iyo dhinaca arrimaha xuquuqul insaanka.

Rebecca Long Bailey oo ah Xubin kamida Baarlamaanka UK una qaabilsan Wasiirka Maaliyada ee Xisbiga Shaqaalaha UK ayaa 4 su’aalood weydiisay dowlada UK,

Su’aasha sumadeedu tahay 38391, taariikhda 24 May2016 Waxaa Rabecca Long Bailey ku aadisay wasaarada arrimaha Dibada Dalka UK. Waxaad noo sheegtaa taageerada Military ee dalka UK u fidisay Ethiopia 5 sanno ee lasoo dhaafay? Maxaase dalka UK u qorsheeysan oo taageero Military ah inaysiiso Dalka Ethiopia 5 Sanno ee soo socda? Mase Jiraan waqtigaan tababaro ay u fidiso militariga iyo Ciidamada Nabad sugida Ethiopia.

Waxaa kale Su aal Sumadeedu tahay 38389, Taariikda 24 May 2016 Rebbecca Long Bailey ku aadisay Wasaarada Arrimaha Horumarinta iyo Deeqaha Caalamiga ah. Maxaa damaanad qaad ah oo aad ka heysaa in aan loo adeegsanin Gargaarka Horumarineed ee Dalka UK u fidiso Ethiopia inaan loo adeegsanin arrimo Military iyo nabad sugineed ama waxa loo yaqaano barokicin-dib-udajineed (villagisation dispersal programme) Maxaase talaabo lagu kalsoonyahay oo laga qaaday sidii loo xaqiijin lahaa in gargaarkaas Ethiopia lasiiyo loo adeegsanayo sidii loogu talo galay.

Su’aal kale Rebecca Long Bailey Waxay ku aadisay Wasaarada Arrimaha Dibada UK, Su’aashaas oo cadadkeedu ahaa 38388 taariikhda 24 05 2016. Maxaa horumar ah oo lanooga sheegi karaa oo kasoo kordhay cabashadii Dowlada UK ka qabtay Arrimaha Xuquuqul Insaanka Ethiopia intii ka danbeysay kulankii lala yeeshay Wasiirka arrimha Dibada Ethiopia Tedros 1 Janury 2016.

Rebecca Long Bailey oo ah haweenay lagasoo doorto Magaalada Salford iyo Eccles oo kamida Gobolka Greater Manchester halkaas oo ay ku dhaqanyihiin Jaaliyad aad u tiro badan oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromada iyo Jaaliyada Somalida Ogaden oo dadaal dheer ka muujiyay sidii xildhibaanadu cadadis u saari laheyd Dowlada UK ayaa waxaa kale oo su’aalahan ay uga hadashay kacdoonkii Oromada iyo cadaadiskii loo geystay shacabka Oromada.

Su’aal sumadeedu tahay 38387 taariikhda 24 05 2016 waxay wasaarada Arrimaha Dibada dalka UK waydiisay. Maxaad nooga sheegi kartaa awooda ay leedahay Gudiga Xuquuqda Aadamaha ee Ethiopia (Ethiopian Human Rights Commission) ee ay ku baadhi karto kuna maarayn karto sidii loola dhaqmay dadkii banaanbaxay dhulka Oromada ee Ethiopia.

Cadaadiska lasaarayo Ethiopia ee uga imanaya wadamada ree galbeedka ayaa maalinba maalinta ka danbeysa soo kordhaya waxaana hada ku soo biiray Midowga Europe iyo Qaramada midoobay oo horey u eedeeyay Ethiopia Dalka Australia.

Refrence: www.parliament.uk Home page

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay