Golaha wadatashiga JWXO oo deeq lacageed ugu deeqay agoonta Ogadenia ee kudhaqan Dhadhaab.

Dhalinyarada ree Ogadenia ee kumidowday Golaha Wadatashiga JWXO oo gudoomiye uu uyahay halgame Faysal Shilaabo ayaa deeq lacageed gaadhsiiyay agoonta S.ogadenia ee kudhaqan xeryaha qoxootiga Dhadhaab iyo Faafi.

Qayb kamid ah lacagta agoonta loogu talagalay oo raashin lagu badalay ayaa maalin nimadii shalay laga bixiyay xerada qoxootiga Xagardheere ee deegaanka Faafi waxaana deeqda lagu wareejiyay wakiilka agoonta ee xerada Xagardheere mudane cabdicasiis nuur.

Gudoomiye faysal iyo Dhalinta golaha kula midaysan ayaa dhowr jeer oo hore bixiyay deeq noocan ah oo ay ugu talagaleen Agoonta iyo danyarta S.ogadenia ee kudhaqan xeryaha qoxootiga Dhadhaab.

Wakiilada hay’ada Daryeelka bariga Africa oo deeqdan lasii mariyay ayaa umahad celiyay dhalinta u istaagtay waxtarka agoonta ee kumidowday Golaha Wadatashiga JWXO.

Dhinaca kale waxaa mahad naq balaadhan dhalinta u jeediyay gabdhaha dhalay agoonta waxayna ku farxeen deeqda walaal tinimo ee soogaadhay.

ONA Dhadhaab.

image

imageimage

image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay