Ilaalada Ciidamada Talyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen intii badneyd tahriibayaashii saarnaa dooni shalay ku degtay bada u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya. Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay doonidan gadoontay oo la sheegay inay saarnaayeen in ka badan 560 qof.

Doonida ayaa la sheegay inay gadoontay kadib markii ay usoo dhawaayeen ciidamada bada ee Talyaaniga. Taliska ciidanka Bada ee Talyaaniga ayaa sheegay in sidan oo kale maalintii Talaadadii lasoo dhaafay ay bada kasoo badbaadiyeen dad gaaraya 3000 oo qof oo saarnaa 23 doonyood oo bada ku dhex dagay.

Xiliga uu soo dhawaado xagaaga ooy badu degto ayey kooxda wax tahriibaya bilaabaan hawlahooda ay dadka uga soo qaadayaan xeebaha dalka Liibiya. Balse inta badan doonyaha dadka lasoo saaro ayaa ah kuwo duugoobay oo intooda badan bada ku dhex dega.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay