War dag dag ah oo hada naga soo gaadhay gudaha wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in ciidanka qalabka sida ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ay cidhibta kudhufteen koox qawlaysatada gumaysiga kamid ah oo howlo dadka ay kudhibayeen kawaday dhulka miyiga ah ee Ogadenia.

Warkan oon kahelay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa tilmaamaya in ciidankii gumaysiga ee galinkii dambe ee xalay lahelay laga dhigay wax ladilay iyo wax la dhaawacay.

Warka ayaa sheegaya in cutub katirsan Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia (CWXO) oo sifiican u hubaysan ay weerar kuqaadeen ciidanka gumaysiga oo kusugnaa meesha lagu magacaabo Aabahay-gablan oo katirsan Dagmada Gunagado waxaana ciidankii cadawga laga dilay Taliyihii ciidanka ee halkaas kusugnaa.

Sida aan warka kuhellay waxaa goobta ciidanka gumaysiga lagaga dilay 5 askari oo uu kamid yahay Taliyihii ciidanka oo bakhtigiisa shacabku kunafisi doono halka intii kalana midba meel laga tuuray.

Dhinaca kale N/hurayaasha utaagan xoraynta Ogadenia ayaa kuraad taagan dhaawicii ciidanka wayaanaha oo lafilayo in ay duurka daadsan yihiin. Deegaanka Aabahay-gablan oo udhaxeeya deegaanada Farmadow iyo Boodhlay ayaa saaka laga dareemayaa saamaynta uu dagaalku reebay.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay