War aan xaqiiqadiisa kudaba jiro ayaa sheegaya in xaaskii Kaligii Taliyihii Bakhtiyay, Malies Zenawi kabaxsatay wadanka Itoobiya.

Azeb Masfin oo Mar ahayd shakhsiga wadanka Itoobiya ugu awooda badan marka laga reebo saygeeda ayaa lagu soowaramayaa in ay ka huleeshay guud ahaan dhulkii ay ku amarkutaag layn jirtay ee Itoobiya kadib bakhtigii KT Meles  Zenawi oo ahaa ninka Azeb Masfin.

Sida warku sheegayo Azeb Masfin iyo ciyaalkeeda ayaa lagu arkay Gobolka Dalas ee cariga Maraykanka, warkan oo aan kahelay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ay Azeb Horaan guryo uga dhisatay gobolkaas waxaana lasheegayaa hanti umadeed oo badan in ay kutagri fashay kuna dhisatay guryo qaali ah.

Haweenaydan ayaa ahayd shakhsiga kaliya ee loo ogolaaday in ay wadanka keento shirkado qandaraasyada qaata oo bilaa canshuur howshooda kuqabsada waxayna shirkadahaas kasamaysay hanti aad ubadan oo shacabku lahaa.

Sida warku sheegayo baxsadka Azeb Masfin ayaa yimid kadib khal khal guud oo soo dhex galay madaxda Itoobiya iyo kala shaki dhinaca saraakiisha ah oo heer is khaarajin gaadhay.

Azeb Masfin oo ah shakhsi danbiyo badan kagashay guud ahaan wadanka Itoobiya ooy hanti badan lunsatay mudadii 21 ka sano ahayd ee KT Meles Zinawi xooga kuhaystay talada wadanka waxayna Asaf kabaxsatay in lahelo cid laxisaab tanta oo cadaalada latiigsato.

Warka kusaabsan baxsashada qoyskii KT Meles Zinawi ayaa haduu run noqda lafilayaa in ay rumoobayso rajadii shacabka ee ahayd in qofkastoo dadka dhib ugaysta maalin uun wadanka muuqiisa laga waayi doono.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay