Sidaan wararkaanagii hore idiinku soo tabinay waxaa meel aad u xun maraya khilaafkii ururka EPRDF ee talada wadanka xooga kuhaystay khaasatan ururka kooxda dhiig miiratada ah ee TPLF.

Warar isdaba joog ah oo laga helayo kala alaab uruursiga xukuumada TPLF ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday Ayta Birhane Kidan Mariyam oo ahaa xubin katirsan Golaha Dhexe ee TPLF ahaana Madixii hay’ada ugu wayn ee kajirta guud ahaan wadanka Itoobiya. Sidoo kale Ayta Birhane ayaa ahaan jiray maareeyaha warbaahinta Itoobiya iyo Madixii Ideecada Walt Information Centre oo ah ideecada ay TPLF u isticmaasho dacaayadaha.

Ninkan oo ahaa ninka ugu awooda badan dhinaca dhaqaalaha ayaa madax ka ahaa hay’ada ama ururka EFFORT oo ay maamuli jirtay xaaskii KT Malis Zinawi oo 4-sano kahor dunida kashiraacday, Kaligii Taliye Zinawi oo ahaa nin xukunka wadanka dadka ka ilaaliya ayaa markuu dhintay taladii wadanku ay baahday waxayna gacanta ugashay saraakiil ciidan iyo ganacsato ay isku hayb yihiin dhiigya cab Malis Zinawi.

Sanadadii aan soo dhaafnay waxaa cirka isku sii shareerayay qalalaasaha siyaasadeed ee wadanka kuhabsaday waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay dibada wadanka hanti ula baxsaday saraakiil badan oo kuwii wadanka xukumi jiray ah.

Dadka siyaasada Itoobiya udhuun duleela ayaa sheegaya in aan Ayta Birhane lagu dayn doonin xilka qaadis ee xabsiga ladhigi doono sida laga bartay dhaqanka Gumaysiga Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay