Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka Donald Trump oo booqasho ku tagay magaalada San Diego ee gobalka California ayaa sababay rabshado halkaasi ka dhacay kadib markii ay gacanta isula tageen kumanaan dadka kasoo horjeeda ah iyo taageerayaashiisa.

Kumanaan ah shacabka kasoo horjeeda Murashaxan xagjirka ah ayaa xidhay nawaaxiga xarunta San Diego Convention Centre oo uu khudbad kasoo jeedinayey Mr.Trump oo booqasho ku maraya gobalka California.

Trump ayaa khudbadiisa ku sheegay in doorashada soo socota ee bisha November uu ku guuleysan doono gobalka California ooy ku xoogan yihiin taageerayaasha xisbiga kasoo horjeeda ee Dimuquraadiga.

Banaanka goobta uu khudbad ka jeedinayey ayaa waxaa xiligaasi ka socday mudaharaad looga soo horjeedo Trump taasi oo keentay in markii danbe ay gacanta isula tagaan taageerayaasha murashaxan iyo shacabkii mudaharaadka dhigayey.

Ciidamada Booliiska oo labada dhinac awood u adeegsaday ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen dad gaaraya 30 qof oo kamid ah dadkii bilaabay rabshadaha halkaasi ka dhacay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay