Dowladdaha Iiraan iyo Sacuudiga ayaa waxay ku heshiin waayeen qaabka xujayda reer Iiraan. Waxaa sidoo kale la isku hayaa halka Visaha laga dalbanayo marka xajka lagaadho.

Xidhiidhka labadan dal ayaa intii mudo ahba xumaa. Kadib markii xajkii u dambeeyey ay dhinteen boqolaal xujey reer iiraan ah. Sidoo kale xidhiidhka labada dal waxaa sii xumeeyey markii dowlada sacuudiga ay dishay wadaad shiico ah.

Ka dibna waxaa dhacday in safaaradii Sacuudiga ee Tahran ku taalay xoog lagu galay oo loo dhacay. Hada waxaa la isku hayaa sida xujayda iiraan ay ku soo galayaan Sacuudiga marka lagaaro xiliga gudashada xajka. labada dal ayaa isu arka inay kala matalaan suniyiinta iyo shiicada caalamka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay