Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Nogob ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dagaal culus oo ciidanka gumaysiga Itoobiya lagu Naafeeyay.

warkan oo aan kahelay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga soo warama xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegaya in dagaalkan udambeeyay lagu kala eryay koox qawlaysatada gumaysiga kamid ah oo dadka shacabka ah dhibaataynayay waxuuna udhacay sidan.

26/5/16 Deegaanka Dulishe oo Dagmada Fiiq katirsan dagaal Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa Gumaysiga Ethiopia ku dhex maray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay inta lahubsaday 7 askari 10 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sida warku sheegayo waxaa ciidankii cadawga wixii soo hadhay iyagoo habqan ah ay tageen magaalada Fiiq.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay