28 May 2016 ka. ayaa waxaa Shir si heer-sare ah loo soo agaasimay isugu yimid Xubnaha Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Wadanka Norway.Shirkan oo ka dhacay Xarunta Jaaliyada S. Ogadenya ay ku leedahay magaalada Oslo ee Caasimada wadanka Norway ayaa wuxu ahaa mid laba Dhinacle ah.

1: Jaaliyadda oo Mudo laba bilooda Xarun la´’aan ahay ayaa waxay dagtay Xarun cusub waxaana maanta albaabada loo guray xaruntaas Cusub ee ay jaaliyadu soo dagtay.

2: Xafiiskii Ilay tv ee magaalada Oslo oo isagana Si rasmiya Xadhiga looga jaray

Shirkan labada arimood xanbaarsanaa , ayaa waxaa isugu yimid xubnaha Jaaliyada iyo taageerayaasha Jaaliyada S Ogadenya ee Norway. Shirkan ayaa waxa marti kuhaa oo ka soo qaybgalay

G.kuxigeenka  Hogaanka warfaafinta Jabhada wadaniga Xoreeynta Ogadenya J.W.X.O  Mudane : Mohammed Ali .

Shirka ayaa sidii caadada hayd waxaa lagu furay Aayado qu`aan ah iyo wacdi diiniya oo uu soo jeediyay Mudane Cabdi Shakuur oo ah Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Bulshada ee Jaaliyadda Norway.

Kadib waxaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa soo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyada Norway mudane Khaliif Cabdi Cali waxuuna aad carabka ugu adkeeyay xilka iyo waajibaadka qof qalba oo Ogadenya udhashay ka saaran uhiilinta shacabka Ogadenya ee uu gumaysigu haysto, sidoo kale waxuu xubnaha ku guubaabiyay in ay ilaaliyo midnimada iyo wada jirka

Intaas kadib waxaa Makarafoonka lagu soo dhaweeyey G.Kuxigeenka  Hogaanka Warfaafinta mudane Mohammed Ali  oo Runtii soo jeediyey Khudbad dhaxalgal ahay oo dhinacyo badan taabanaysay.

waxuuna ka waramay xaalada uu halganku marayo Dal iyo dibadba isaga oo sheegay in goobtii guusha la taagan yahay, loona baahan yaha adkaysi iyo midnimo lala garab istaago halgamayaasha Jiida hore.  G/xigeenku waxuu sheegay in uu gumaysigu marayo xaaladxun oo Naflacaarinimo ah. Waxuuna xasuuq aan loo ka aaba yeelin ku hayaa Shacabka biri magaydada ah, taasina waxay muujinaysaa xaaladiisa diciifnimo iyo quusta uu ka taagan yahay in uu xoo ku sii haysto Ciida Ogadenya.-

wuxuu kaloo sifaahfaahsan uga warbixiyey Socdaalkiisa iyo Furitaanka Xafiiska Ilays tv Oslo. ugu dambaynmtii wuxu kusoo xidhay hadalkiisa inmaanta Aduunkan lajoogu ayguulayso ama wax meelmarsan kolba cidii dhanka Saxaafada ku horaysa, sidaas daraadeed waa in xooga lasaaro sidii loo xoojin lahaa warbaahinta halkanka xubnuhuna ka wada qayb qaataan.

Kadib waxaa isaguna Hadal kooban shirka kajeediyay mudane Cabdinaasir Adeec oo ka hadlay Soonka iyo Fadligiisa iyo waliba in sadaqada ama Sakada lasiiyo Agoonta Reer S.Ogadenya ee dhibaataysan , guntii iyo gaba-gabadii shirkii ayaa wuxuu ku soodhamaaday Jawi dagan iyo farxad iyadoo dhamaan ka soo qaybgala yaashii isu dardaarmeen in lasii laba jibaaro hawlaha halganka.

IMG_1772 IMG_1776 IMG_1778 IMG_1789 IMG_1798 IMG_1805 IMG_1822 IMG_1823

 

Tamaan Oslo ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay