Shucuubta ku hoosnool taliska wayaanaha ee ku caan baxay cadaadiska shucuubta uu gumaysto ayaa si qasab ah u xusay maalinta loogu magac daray maalinta cadaalada ee shucuubta Itoobiya.

20 bisha Ginbot ee tirsiga gumaysiga Ethiopia ayaa ah maalintii kooxda TPLF ay taliskii dhargiga ee Mingistu Hayle Maryim xoog kaga tuureen taladii wadanka waxayna ku sheegeen maalin ay shucuubta kala gadisan ee Itoobiya gaadheen cadaalad iyo sinaan.

Hadaba maxaa isbadalay 25 sano oo xukunka EPRDF / TPLF ay shacabku hoos joogeen?

Sida dadka siyaasada Itoobiya lasocda ay ogyihiin mudadii ay kooxda TPLF haysatay talada wadanka waxay ahayd xiligii ugu khadhaadhaa ee soomaray shucuubta ku hoosnool taliska wayaanaha waxayna shacabka u ahayd 25 sano oo Dil, Jidh-dil, Xidhay, Dhac, Kufsi iyo cadaadis ah.

inta taariikhda la xasuusan yahay shacabka lagumaysto ee kala duwan xasuuqa soogaadhay intii ay TPLF xukunka haysatay masoo gaadhin talisyadii kale ee kahoreeyay midka EPRDF.

Sida aan lawada socono shacabka S.ogadenia waxay u ahayd 25 sano oo cadaab aduun ah Waana xukunkii ugu horeeyay ee cuna qabatayn dhinaca ganacsiga iyo nolosha ah saaray halka nidaamka TPLF ay qabriyada sabab ugu noqdeen kumanaan shacab ah, sidookale waxay xabsiga dhigeen dad badan oo shacab ah.

Dhinaca kale xafladan ayaa lagu soo waramayaa marka Jigjiga laga reebo in ay Gobolada kale ee Itoobiya sidii ladoonayay uga dhicin waxayna u muuqataa in ay dadku fahmeen in ay bisha Ginbot tahay maalintii gumaysigu ubilowday.

balse waxaa wax xus u eg laga sameeyay magaalada Jigjiga iyo magaalooyinka loowakiishay gacan ku dhiinle Cabdi Ilay Waana ninka kaliya ee damiirkiisu siiyay in uu udabaal dago maalintii dadkiisa gumaysi daran lagaliyay.

Sikastaba ha ahaatee waxaa lawada garansiisan yahay in ay dadka shacabka ah ee S.ogadenia xasuusan yihiin halaagii soomaray mudadii ay kooxda TPLF talada wadanka xooga kuhaystay iyo cida gumaadka shacabka loo wakiishay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay