Banaanbax uu soo qaban qaabiyey ururka cunsuriga ah ee Australia ee loo yaqaan United Patriots Front (UPF) ayaa Sabtidii isu bedalay gacan kahadal, kadib markii ay shacabka kasoo horjeeda cunsuriyiinta ay iyaguna mudaharaad kale kala hortageen.

Dalka Australia ayaa muddooyinkii dambe laga dareemayey dhaq dhaqaaqyo ay wadaan kooxo cunsuriyiin ah oo kasoo horjeeda dadka Muslimiinta ah ee wadankaasi ku dhaqan, waxaana kamid ah kooxahaasi ururka UPF oo isagu marar badan horey usoo qaban qaabiyey banaanbaxyo lagu cambaareenayo Islaamka.

Inta badan banaanbaxyadan ayaa waxaa iyaguna garab socday mudaharaad kaloo ay soo qaban qaabiyaan shacabka dalkaasi ee kasoo horjeeda kooxaha cunsuriyiinta. Mudaharaadyadii ka dhacay magaalada Melbourne oo ah magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ayaa rabshado ku dhamaaday kadib markii ay gacanta isula tageen labada kooxood.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay