Qaramada Midoobay (QM), ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay tiro ka badan 7 boqol oo muhaajirin (Tahriibayaal ah) iyo qaxooti ah ay ku qarqeen badda Mediterranean-ka.

Haweenayda afhayeenka u ah hey’adda qaxootiga QM, Carlotta Sami, ayaa sheegtay in doonyuhu ku degeen koonfurta Talyaaniga Arbacadii, Khamiistii iyo Jimcihii toddobaadkii tagay, waxayna qaxootigu isku dayayeen inay Yurub ku galaan doonyo aan badda ka gudbi karin.

Mid ka mid ah doonyaha badda ku dagay ayey kaameradu qabatay iyadoo markab Talyaanigu leeyahay uu badbaadiyay badi rakaabkii saaraa. Tiro lagu qiyaasay boqol ruux oo saarnaa markabka, ayaa la la’yahay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay