Shir si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa galabta waxaa ka furmay magaalada London ee Cariga Ingriiska shirkan ayaa lagu xusayo xasuuqa u Tigregu u gaystay shacabka Sidamada ah oo ka soo wareegtay 14 Sano (Sidama Loqqee Massacre).

Shirkan ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay ururada ku bahoobay isbahaysiga PAFD.

Shirkan ayaa waxaa kale oo lagu xusi doonaa xasuuqa u Woyanhu u gaystay shuucbta Ogaden, Oromo, Gambella Benshangul & Axmara.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb gashay madax sare oo ka kala socda ururada hubaysan ee la dagaalama xukuumada Addis Ababa & marti sharaf lagu marti qaaday shirkan.

Waxaa shirkan ka qayb galay wafti u hoggaaminayo gudoomiyaha Hoggaanka Arrimaha Dibada ee JWXO ahna GHAD ee isbahaysiga PAFD mudane Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi.

Kala soco ONA faahfaahinta warkan & wararka kalaba.

imageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimage

 

image image image image image image

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay