Wararka aan kahelayno wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in maanta daaqada laga tuuray imtixaankii jaamacadaha wadanka Ethiopia, warkan oo goordhaw soogaadhay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa tilmaamaya in ay guud ahaan rajadii ardayda jaamacadaha Itoobiya ku dhacday ceel dheer kadib markii kaskii kasocday guud ahaan xafiisyada dowladu uu saamayn Kuyeeshay imtixaankii laga qaadi lahaa ardayda.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay saraakiisha waxbarashadu iibsadeen imtixaankii kadibna uu gaadhay qaar kamid ah ardayda jaamacadaha. Sidoo kale imtixaankii la rabay in ardayda lagu itixaamo ayaa lagu soo daabacay baraha bulshada sida Facebook iyo baraha kale ee dhalintu isticmaasho.

Sida aan warka kuhelay waxay rabshado waawayn maanta kadhaceen qaar kamid ah jaamacadaha wadanka sida qaar kamid ah jaamacadaha Oromia iyo kuwo kale oo badan waxayna ciidanka wayaanahu xabsiga utaxaabeen arday kagadooday mustaqbal kooda lagu dheelayo iyo rajo la’aanta soo food saartay ardayda.

Dhinaca kale afhayeenka xukuumada wayaanaha Simon Barakat ayaa maanta si cad usheegay in ay maamuladooda kujiraan ururada mucaaradka ah sida OLF iyo Ginbot 7 wuxuuna carabka ku dhuftay in ay talaabada ay qaadaanba ay fashilinayaan. Hadalka kasoo yeedhay afhayeenka gumaysiga ayaa cadayn u ah xaalada cakiran ee fashilka ah ee uu maanta taliska TPLF dhex yuururo.

Waxaa laga dayrinayaa dhamaan adeegyadii bulshada kuwaas oo ay saraakiishu musuq maasuq baahsan kula kaceen kadib khilaafkii siyaasadeed ee soo kala dhex galay ururkii EPRDF / TPLF waxaana lagu soo waramayaa in uusan jirin sargaal aaminaya sargaal kale halka ninkasta wixii gacantiisu uqaado uu qaadayo.

Lasoco faahfaahinta kusaabsan warkan.

gugu

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay