Dad gaaraya 30 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen rabshado ka dhashay banaanbaxyo shalay ka dhacay gobalka Biafra ee koonfur bari wadanka Nigeria. Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay magaalada Asaba ee gobalkaasi, halkaasoo ay dhimasho soo gaadhay labada dhinac.

Qawmiyada Igbo oo ku badan gobalkaasi ayaa muddo laga joogo 49 sano kahor ku dhawaaqay inay ka go’ayaan dalka Nigeria, balse waxaa xiligaasi kacdoonkaasi gooni isutaaga cagta mariyey militariga Nigeria. Shacabka gobalkaasi ayaa shalay xusayey xiligii ay ku dhawaaqeen gooni isutaaga.

Ciidamada amaanka ayaa ku eedeeyey dadka banaanbaxa dhigayey inay iyagu bilaabeen rabshadaha balse dadka deegaankaasi ku dhaqan ayaa sheegay in ciidamada ay rasaas ooda uga qaadeen dad aan hubeysneyn oo mudaharaadka ka qeyb qaadanayey.

Wadanka Nigeria waqooyigiisa ayey horey uga socdeen dagaalo u dhaxeeya kooxda Boko Xaram iyo dowlada, waxayna rabshadahan ka dhacay koonfurta dalkaasi ay kusoo aadayaan xili dowlada ay xoogeeda saartay la dagaalanka Boko Xaram. Wadanka Nigeria oo ah dalka ugu shacabka badan qaarada Afrika ayey ku nool yihiin in ka badan 250 Qabiilo iyo Qawmiyado kala duwan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay