Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in 20ka bisha Agoosto la doonayo in la helaa xubnaha xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee badalaya xildhibanada haatan jira.

Al-Capone-GabreWarar hoose oon helayno ayaa sheegaya in Generaal Gabre la doonayo inuu saamayn wayn ku lahaado xildhibaanada cusub ee imaanaya Bisha Agoosto kuwaasoo badalaya xildhibaanada haatan dhisan.

Wuxuu doonayaa Generaal Gabre inuu doorwayn ku lahaado soo xulida xildhibaanada qaran ee baarlamaanka ee ka kala imaanaya maamul goboleedyada dalka ka dhisan, kuwaasoo qaarkood saaxiibo dhow uu layahay.

Xildhibaanada uu saameynta ku yeelan doono ayaa ah kuwa ka imaanaya deegaanada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, maadaama xildhibaanadaasi ay yihiin kuwo deegaanadaasi laga soo xuli doono kadibna Muqdisho loosoo wareejin doono.

Sababaha ku kalifaya ku lug lahaanshaha xildhibaanada ayaa xubno xog ogaal ah waxay inoo sheegeen iney tahay inuu doonayo in la keeno xildhibaano aan ka hor imaaneynin danaha Itoobiya ay ka leedahay dalka Soomaaliya.

Xildhibaanada haatan jira ee muddada kooban u hadhsan tahay ayaa la sheegaa in badankood ay is fahmi waayeen Itoobiya oo dano badan ooy laheyd aysan aqbalin, wuxuuse doonayaa haatan inuu keenaa xildhibaano isaga u dhaga nugul kuwan wakhtigoodii gabaabsiga yahay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay