Ammaanka dalka Kenya gaar ahaan dhanka xuduudaha ayaa si weyn loo adkeeyey xili dowladda ay cabsi qabto in dalkeeda  ay ka dhacaan weeraro ay geystaan Xarakada Al-Shabaab.

Howlgal balaadhan ayaa laga bilaabay guud ahaanba dalka Kenya gaar ahaan degmooyinka soo xiga dalka Soomaaliya sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan laamaha ammaanka dalka Kenya.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lageeyay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ,madaamoo ay jirto cabsi weyn oo ah in shabaab ay weeraro ku qaadi karaan dalka Kenya. Shalay warbixin laga helay dowladda Kenya ayaa shaacisay in ku dhawaad 45 dagaalyahan oo katirsan  Shabaab ay gudaha u galeen dalka, waxaana lasheegayaa in qeyb kamid ah dagaalyahanadaas ay galeen bariga magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Ururka Shabaab ayaa weeraro badan ka geystay dalka Kenya,waxaana dowladda Kenya ay sheegaysa in hada la adkeeyay ammaanka dalkeeda, ayna ka digtoon tahay weeraro ay geystaan xarakada Shabaab. Dhanka Kale  dowladda Kenya ayaa heshay lacag dhan 4.2 billion oo shilinka Kenya ah tasoo loogu talagalay dagaalka lagu lajiro Xarakada Shabaab.

Ciidamo badan oo ka socda dowladda Kenya ayaa ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ,waxayna dagaal adag kula jiraan xarakada Shabaab oo ka  dagaalanta Soomaaliya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay