Ciidmada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Gaari ay saaranyihiin hub iyo walxaha qarxa, kaas oo ay ciidamadu sheegeen in la doonayay in lagu qalqalgaliyo amaanka magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C.kaamil Macalin Xirsi oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ciidamada Hey’adda NISA ay ku qabteen gaari waday hab kadibna galabta ay qaadeen howlgal kale oo laga sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo lagu soo qabqabtay ilaa 4 qof oo uu ku jiro horjoogihii hubka iyo qaraxyada gaariga ku soo raray.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in goor dhow saxaafadda loo soo bandhigayo hubkaasi iyo dadka loo soo qabqabtay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay