Shalay oo Talaado ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 31/5/16 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab kadhacay shirkii caadiga ahaa ee Faraca Midnimo.

Shirkan oo ahaa shir sifiican loosoo qorsheeyay waxaa kasoo qayb galay inta badan xubnaha Faraca Midnimo iyo qaar katirsan taageerayaasha halganka.

Ugu horaynba shirka ayaa furmay abaare 2 : 00 duhurnimo xiliga Dhadhaab waxaana lagu furay aayado kamid ah Qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soojeediyey hogaanka diinta ee faraca Midnimo wuxuuna sheekhu Aad ugahadlay jihaadka iyo sadaqada.

Intaas kadib waxaa kulanka warbixin aad u dheer kasoo jeediyay Xoghayaha Faraca Mudane Cabdi Qani wuxuuna xubnaha u akhriyay warbixin gudaha iyo dibadaba ah.

Sidoo kale waxaa kalmad qiimo badan oo laxidhiidha arimaha Abaabulka iyo socdaalka xubnaha madasha kasoo jeediyay hogaanka Arimaha Bulshada ee Faraca.

Dhinaca kale masuuliyiinta faraca ayaa waxbadan kahadlay arimaha Amaanka waxayna sheegeen in ay lasocdaan dhaqdhaqaaq kasta oo uu cadawgu damco.

Intaas kadib waxaa madasha laga bixiyay shahaadooyin abaal Marino ah oo lasiiyay xubnihii mutaystay kuwaas oo kakoobnaa wiilal iyo gabdho dadaal kooda laysla sheegay.

Guntii iyo gunaanadkii kulanka ayaa xili dambe oo galabta ah kusoo dhamaaday si guul iyo nabad galiyo ah.

ONA Dhadhaab.

 

image image image image image image image image image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay