Shirkan oo ahaa shirkii caadiga ah ee xubnaha jaaaliyada isugu iman jireen sadexdii biloodba mar ayaa markan lagu qabtay waqooyinka Sweden magalada Kramfors waxaa ka soo qayb galay xubno kor u dhaafaya 100 oo ka kala yimid guud ahaan sweden.

Waxaa madasha shirka lagu furay sidii caadada inoo aheed aayadaha qur aanka kariimka ah kadib waxaa loo istaagay heesta calanka Ogadenia kadib waxaa makarafoonka lagu sooo dhaweeyay xubin u hadlay faraca jaaliyada ee Kramfors kaaso xubnihii martida ku soo dhaweeyay goobta ugana mahad celiyaay safaradii dheera ee u soo galeen hawsha halganka.

Gudoomiyaha jaaliyada Sweden Mudane Abdirahman bashiir oo meesha ka hadlay ayaa ka warbixiyay wax qabadka jaaliyada kuna dheerataay in xubnuhu sii dardargaliyaan dadaalka lagu jiro helida xoriyada ogadenia ugana mahad celiyaay faracii inoo suurta galiyaay shirka iyo xubnaha meelaha dhaa dheeer uga yimid waxaa isagana makarafoonka lagu soo dhaweeyay hogaanka dhaqaalaha jaaliyada Sweden mudane Muxiyadiin oo ka warbixiyay sida xubhana ugu heelan yihiin wax tarka halganka ugana mahadcilyay kalmada u fidinayaan dhibanayaasha halganka.

Waxaa iyaguna shirka ka soo qayb galay xubno ka socday madaxda Jabhadda wadaniga xoraynta Ogadenia oo madasha ka jeediyaay khudbado dhaxalgal ah mudane Riyaale xaamud ahmed ayaa ka warbixiyaay xaalada itoobiya ee hada marayso uu ku tilmaamay dhamaadkii taliska gumaysiga ee macangaga ah iyo marxalada siyaasada ee maanta uu marayo halganka ogadenia oo laga gaadhay guulo la taaban karo, waxaa isagana madasha ka jeediyaay khudbad muhiim ah mudane Xussein gabood oo ka hadlay sidiii uu ku bilawday dagaalka ay hormuudka ka tahay JWXO iyo marxaladihii kala duwana uu sooo maray,Mudane Abdi naasir gadhweyne oo ah khabiir ku xeel dheer arimaha siyaasada wadanka Sweden ayaa isaguna iftiimiyay sida wadankan sweden qadiyadeena lagu sooo bandhigi karo.

Shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyo guullimage-0.02.01.7d04512729a696af7192d050ed1dfca59400c1f9081fc2bbe2d769048e80bcea-V image-0.02.01.75deda16d9e0298609314665bbce8222fd29603da8f77d61f0a9c9ccd2f0db88-V image-0.02.01.a2eb6d15d33e1fad39c808957e1f79d9f78610327e88e35ead6d62ebc544ddfd-V image-0.02.01.d8f01980c5770b50f009fb2853de836797618f46137ca0837573540f07182123-V image-0.02.01.ef8e8788beb43eb5b49c97dea0f69a1671c031c878f803173bb88548d50dc16d-V image-0.02.01.fd581c026484af8ba9205d0ff3209d5eec23d85dc51e50311e5ebe5b3378f415-VIMG_0717 IMG_0744 IMG_0747 IMG_0749

By Heegan

Sweden ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay