Raadiyaha luuqada axmaariga ku baxa ee Wazema.

Su’aal:
Deegaanka soomaalida itoobiya ama Ogaden laga soo bilaabo ilaa 1970 waxaa jira dhibaatooyin dhinaca xad gudubka xuquuqda bini’aadanimo ah waxaana jira dagaalo socda oo ay wadaan Ururka ONLF sida aan lasocono. Bal adigoo soo koobaya sawir naga sii xaalada uu deegaanku hada ku sugan yahay.

Jawaab:
Mahadsanid Argaw, Hada gacanta waxaan ku hayaa buug la qoray 1930 kii kuna saabsan itoobiya waxaana qoray wariye Swedish ah, wariyu wakhtigaas oo uu itoobiya booqday wuxuu sidoo kale ciidankii wakhtigaas jiray uraacay dhanka ogaden, buugana wuxuu ku qoray wuxuu arkay oo dhani inuu dagaal uun ahaa dhinaca Ogaden.

Marka dagaaladu 1970 way kahoreeyeen ururka ONLF ee hada dagaalamayana waa looga horeeyay oo waligeedba meesha dagaalo ayaa ka socon jiray.

Wakhti xaadirkan deegaanka waxaa ka hawlgala ciidamada ONLF sidoo kalana waxaa ka jirta dawlada deegaanka iyo Maleeshiyooyinkooda sida Liyu Police, waxaa iyaguna si baaxad wayn ujooga ugana hawlgala ciidamada qaranka ee itoobiya oo aan ogahay inay intooda badani Ogaden ama deegaankaas ku sugan yihiin.

Marka waa meel haba yaraatee aysan wax nabadgalyo ahi kajirin oo uu dagaal ka socdo oo maalin walba ruux lagu dilo, gabadh lagu kufsado ama dad lagu xidh xidho deedna lagu jidh dilo.

Inkastoo ay meesha waligeedba dhibaato ka jiri jirtay talisyadii dawlada hada ka horeeyayna ay siyaabahan oo kale shacabka ula dhaqmi jireen balse hadana xaalada hada jirta ee uu taliska hada jiraa masuulka ka yahay waa mid kuwii hore ka daran.

Su’aal:
Rabitaanka shacabku muxuu yahay ama sababta ay dawladan iyo kuwii ka horeeyayba dhibaatadaasi u dhex taalo.

Jawaab:

Taniyo ilaa bilawgii wax aan ka ahayn dil, kufsi iyo dhibaato oo aanu helnay ama aanu aragnay majirto sidaas darteed rabitaanka shacabku wuxuu kusalaysan yahay sidii lagu heli lahaa xoriyad, dimoqraadiyad iyo cadaalad, Dad aad u tiro badan ayaa raba inay go’aan oo ay gooni isu maamulaan sidoo kale waxaa jira dad badan oo iyaguna raba inay iyagoona go’in xuquuqdooda raadsadaan, marka guud ahaan hadii la go’ayo iyo hadii kalaba waxa ugu muhiimsan ee loobaahan yahay waa dimoqraadiyad, cadaalad iyo sidii nabadgalyo buuxda loogu noolaan lahaa.

Su’aal:
Dawlada hada jirtaa kasokow kutumashada xuquuqda aadamaha, kuwii hore wax ayna qaban ayay qabteen oo ah inay ismaamul gooniya, calan idiin gaar ah iyo luuqadiina oo aad isku maamushaan idin siiyeen marka miyaana la odhan karin Su’aalihii shacabka way ka jawaabeen? Mise wali dhibaato ayaa jirtaad isleedahay.
Jawaab:
Waxyaabahaas oo dhani waa wax warqad korkeed uun ku qoran laakiin aana xaqiiq ahaan jirin, hadii maamulka deegaanka ka jiraa uu ahaan lahaa mid ay shacabku si xor ah udoorteen markaas waxbay dawladu qabataybaan odhan lahayn laakiin shacabku madooran ee kalitaliska woyaanaha ayaa maamulkaa samaystay madaxwaynuhuna iyaguu u adeegaa oo maadaama uu ogyahay in uuna shacab dooran ee ay woyaanuhu keensadeen wuxuu kuhawlan yahay qancinta woyaanaha oo kaliya marka habayaraatee wax shacab laqanciyay majiraan, fadaraalka iyo waxan lasheegayaana waa wax ayna waxba ka jirin.

Su’aal:
Dawlada EPRDF waxay aad ugu doodaan oo ay ku celceliyaan inay dawlad deegaano ka hirgaliyeen wadanka iyagoo dhaha anagu dawlad deegaan ayaanu siinay ee iyagay utaalaa siday isu maamulaan marka tusaale ahaan dhinaca luuqada iyo calanka idiin goonida ah oo aana hada ka hor jirin wax dheeriya miyaad ka odhan kartaa?

Jawaab:
In luuqada soomaaliga la isticmaalo tusaale ahaan dhanka waxbarashada iyo dhanka maamulka waa wax fiican laakiin wax intaas dhaafsiisan oo farta lagu fiiqi karaa majiraan, calan wuxuu dareen iyo qiimo leeyahay markuu yahay mid rabitaan shacab kuyimid ama ay sameeyeen maamul ay shacabku doorteen laakiin calanka hada jira waxaa sameeyay madaxwaynaha hada oo ah nin ay woyaanuhu keensadeen ee ayna shacab dooran intaasna ay udheertahay inuu gumaad badan gaystay marka calan maaha kaasi, tusaale ahaan hadii intaan Oramiya qabsado aan idhaahdo calankaasaad leedihiin ninkaasina waa idiin madaxwayne xaga shacabka wax macno ah kama samaynayso.

Su’aal:
Dhinaca horumarka dawlada dhexe waxay aad ugu faantaa inay horumar fiican sameeyeen inkastoo ay tahay arin ay doodo badani ka taaganyihiin hase ahaatee waxaa jira magaalooyin uu horumar ka muuqdo marka maadaama ayna dad badani kawarhaynin dhinaca deegaanka soomaalida adigu sideed u aragtaa arintaas wax horumar ahi majiraa ama isbadal?

Jawaab:
Marka aan isbarbar dhigno xaaladihii hada ka hor jiray waxaan odhan karaa horumar wuu jiraa sababtoo ah meelo aana iskuul lahaan jirin ayaad hada iskuul ku arki ama meelo aana xarumo caafimaad lahaan jirin ayaa hada xarumo caafimaad lagu arkaa balse dhinaca kale tusaale ahaan hadii ay dawladii hore ee dhargigu dishay toban kun oo ruux dawlada hadu waxay dishay hal milyan oo ruux waa tusaale ahaan, marka hadii aad iskuul dhisto balse aad boqol kun oo ruux disho wax faa’iido ah mayeelanayso waxaana jirta in xarumaha caafimaadku ay xidhan yihiin oo ayna adeeg bixin hadii ay bixiyaana ay siiyaan taageerayaasha dawlada oo kaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay