Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden, ayaa sheegtay in codaynta Britain (Ingiriiska) ee la xidhiidha kasii mid ahaanshaha Midowga Yurub ay ugu dambeyn horseedayso in ay kala jabaan. Margot Wallström oo madaxa Midawga Yurub (EU) 10-sano soo ahayd, ayaa sheegtay in Britain bixisteedu kicineyso in afti ka dhacdo dalal kale oo EU kamid ah.

Wareysi ay saxaafadu layeelatay ayey Wallstrom ku sheegtay saameynta ay leedahay aftida oo ay ku tilmaantay in wax walba oo ka soo baxo ay xun tahay. Hadii Britain u codeyso inaysan ka bixin Midowga Yurub, waxay dalalka kale isku dayayaan inay ka gorgortamaan xubinnimadooda Midowga Yurub.

Walalaca ayaa ku soo aaday welwelka caasimada badan oo Yurub ah ee la xidhiidha waxaa mustaqbalka Midowga Yurub noqonayo. Iyadoo ay ka hadhsan tahay in kayar labo toddobaad codeynta Britain ayey saadaashu muujineysa natiijo isku dhow.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay