Weerar ka dhacay magaalada Orlando oo katirsan gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa waxa ku dhintay ku dhawaad 50 qof. Weerarkan oo ka dhacay goob lagu caweeyo (Night Club) ah ayay wararku sheegayaan inuu gaystay Cumar Sadiiqi Matiin oo haysta dhalashada Maraykanka, hase yeeshee asal ahaan dalka Afghanistan kasoo jeeda.

Booliiska ayaa xoog kugalay dhismihii wax ka dhaceen iyagoo toogasho kudilay ninkii weerarka gaystay, isla markaana soo badbaadiyey dadkii goobta caweyska ku jiray. 53 qof oo kale ayaa weerarkan ku dhaawacmay. Sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka ee FBI ayaa sheegay in weerarkan ay dadka badani ku dhinteen loo baadhi doono sidii mid argagixiso.

Aqalka Cad ayaa soo saaray warbixin sheegaysa in Madaxweye Obama arrinta lala socodsiiyey. Warbixintan ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu amray xukuumadda dhexe in dambi baadhayaasha dhacdadan lasiiyo wixii ay u baahdaan. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynuhu uu u tacsiyeeyey qoysaskii dadkani ka dhinteen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay