Warar goor dhaweyd naga soo gaadhay X/dhexe ee JWXO ayaa waxay sheegayaan in shalay oo ay taariikhdu ahayad 29/10/2011 dagaal gacmaha la isula tagay uu ka dhacay deegaanka Cali fancad oo ka tirdsan degmada Sagag ee gobolka Nogbeed.

Dagaalkan oo ahaa weerar si fiican loo qorsheeyay ayaa lagu qaaday kulanyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada cadawga. Gaadiidkan oo aad u tiro badnaa ayaa  bilawgiiba waxay CWXO dabka saareen oo ay dhulka la simeen gaadhiigii ugu horeeyay, sidoo kalena waxay dhaawac hawlgab ah  gaadhsiiiyeen laba baabuur oo kale.

Wariyaha ONA ee goobaha dagaalka wuxuu noo xaqiiyay in maleeshiyadii cadawga halkaa lagaga dilay  45 askari oo darajooyin kala duwan lahaa, halka uu dhaawacuna kor u dhaafay 60 askari.

Wuxuu wariyuhu intaa ku darayaa in ciidamada cadawga lagaga furtay goobta hubka noocyadiisaa kala duwan oo ay ka mid yihiin boobayaasha  culus, qoryaha AK47  isgaadhsiin kala duwan, saanada iyo qalab kale.

Dagaalkan oo mudo socday oo markii dambe ay labada qolaba soo gaadheen gurmadyo ayaa gabagabadii ciidamadii cadawga ay ka carareen goobtii halkaasoo uu CWXO u hadhay.

Dhanka kale waxaa jira dagaal kkadhaadh oo ay CWXO kula galeen maleeshiya itoobiya meesha lagu magacaabo Ceel Xaar  oo ka tirsan degmada Baabili bishan 27/10/2011. Dagaalkan oo ahaa mid ay Ciidamada Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya ku weerareen ciidan uu lahaa cadawga oo halkaa u joogay hawlgal ayaa waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay in ka badan 12 askari iyadoo lagaga dhaawacay in ka badan 17 askari oo kale. Waxaana ciidamada cadawga lagaga furtay noocdayada qalabka ciidamada oo tiro badan.

Dad goobjoog ahaa oo arkayay markii la daabulayay dhaawaca cadawga ayaa sheegay inay arkayeen ilaa 5 baabuur oo lagu daabulayay dhaawaca cadawga waxayna qiyaasayaan in dhaawaca cadawgu uu gaadhayay tobanaan.

Wararku waxay intaa ku darayaa in 29/10/2011 habeenimadii lagu dilay gudaha  saldhig ciidanka cadawgu uu ku leeyahay Horahawd  oo ak tirsan degmada Qabri bayax 1 askari.

26/10/2011  Maleeshiyada cadawga  ayaa hawlgal u tagay fiidoole oo ka tirsan degmada Dhuxun waxayna halkaa ku qab qabteen dad tiro badan  oo deegaankaas joogay. CWXO  oo ka warhelay dhacadadan ayaa weerar ku soo qaaday maleeshiyadii cadawga waxayna ku guulaysteen inay farahooda ka bixiyaan dhamaan maxaabiistii oo badqaba.

Weerarkan oo  ahaa mid la isku noqnoqday ayaa ilaa hada aan si cad loo ogaanin khaasaraha dhabta  ah ee cadawga la gaadhsiiyay inkastoo warar laga helayo dhinaca dadka shacabka ay sheegayaan inay jiraan dhimasho badan iyo dhaawacba oo soo gaadhay maleesiyada cadawga.

 ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay