Madaxweyne Barack Obama ayaa si adag uga jawaabay hadalo lid ku ah muslimiinta oo kasoo baxay Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Donlad Trump oo markale sheegay inuu haduu noqdo Madaxweyne mamnuuci doono muslimiinta yimaada wadanka Maraykanka.

Barack Obama ayaa sheegay hadalada kasoo yeedhaya Trump ee ku dheehan muslim naceybka aysan wax xal ah keeni doonin isla markaana ay yihiin hadalo aan loo dulqaadan karin oo ka hor imaanaya dhaqanka iyo sharciga wadankaasi Maraykanka.

Donald Trump oo todobaadyadii lasoo dhaafay fadeexooyin ka heysteen shirkadaha uu leeyahay oo ay dacwado kala duwan ku socdaan ayaa weerarkii habeenkii Sabtidii ka dhacay magaalada Orlando u adeegsaday ololihiisa, isagoo sheegay in hadii uu xilka ku guuleysto uu joojin doono dadka muslimiinta ah ee doonaya inay degenaansho ka helaan wadanka Maraykanka.

Obama oo ay wajigiisa cadho ka muuqato ayaa ku sheegay hadalada Trump kuwo aan salka kuheyn wax cilmi ah balse ay yihiin hadalo ladoonayo in lagu kala qeybiyo bulshada Maraykanka, isagoo sheegay in dhamaan weerarada ka dhacay gudaha Maraykanka ay gaysteen dad ku dhashay gudaha dalkaasi.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay