Shirkii QM Oo Maalintii 2-aad Geneva Kasocda & Ururka Xaquuqul-Insaanka Ogadeniya oo Ka Qaybgalay.
Waxaa maalintii labaaad galay shirwaynihii qaramada midoobay ee ka socday magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.
Shirkan oo qaybtiisii hore aan ONA idiinku soo gudbinay ayaa qaybta 2aad waxaa kasoo qayb galay 192 dowladood oo dunida ka kala yimid iyo hay’ado iyo waliba ururo dunida kadhisan. Guud ahaan mowduuca shirka ayaa diirada lagu saaray xad gudubyada kadhaca dunida oo ay gaysanayaan qaar kamid ah dowladaha caalamka oo dad kooda cadaadiya.
Shirkan oo aad muhiim u ahaa ayaa hay’adaha lagu casuumay waxaa kamid ahaa hay’ada UNPO waxaana goob jooge ka ah mudane Cabdiraxman Sh. Mahdi oo ka socday ururka xuquuqda Somalida Ogadenia Ogaden peoples rights ah ku xigeenka UNPO.
Sida aan warka kuhelay waxaa sifiican looga hadlay dowladaha dadkooda cadaadiya oo ay kamid tahay dowlada gumaysiga Itoobiya oo ah mida ugu cadaadis badan marka la eega xaga shacabka ku hoos nool ama ay gumaysato.
Waxaa xusid mudan in qaybtii hore ee kulanka ay hay’ada UNPO kusoo bandhigtay tacadiyada aan kala joogsiga lahayn ee xukuumada wayaanuhu ugaysato shacabka ay gumaysato waxaa iyaguna sidoo kale tacadiyo kuwaas lamid ah soo bandhigay wariyayaal iyo ashkhaas kale.
Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa wajigabax kala kulanta shirkastoo xuquuqda aadamaha lagaga hadlayo waxayna markasta kaalin hore kagashaa dowladaha xuquuqul insaanka kutunta.
Dhinaca kale xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa ah mid aan sariig lahayn oo aan dhag jalaq usiinin hadalada isdaba jooga ah ee hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dowladaha caalamku ay usoo jeediyaan.
Sikastaba ha ahaatee waxaa siibadanaya hay’adaha iyo ururrada xukuumada TPLF qalinka iyo qorigaba kula dagaalama oo ay JWXO hor muud utahay.
ONA.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.