Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda xubnaha ka ah Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo oo maalintii labaad uu shirka madasha ka socdo.

Qodobbada Shirka looga hadley, ayaa Waxaa kamid ah hannaanka Doorashada 2016-ka, Guddiyada Doorashada, Maal-galinta iyo Saadka Doorashada, Qoondada 30% ee Haweenka goleyaasha qaranka ay ka helayaan, Amniga iyo waxyaabaha kalee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in wax walba ay si habsami ah u socdaan, isla markaana ay madaxda si adag uga hadlayaan wax kastoo fududeyn kara doorashadan taariikhiga ah ee dalka ka dhacaysa bisha August.

Wuxuu Madaxweyne Xasan sheegay in xoogga lasaari doono sidii haweenka ay u heli lahaayeen qoondada 30% ee lagu heshiiyey in laga siiyo goleyaasha qaranka, isagoo haweenka ku booriyay inay ka shaqeeyaan inaanay farahooda ka bixin 14% kuraasta ay hadda Baarlamaanka ku leeyihiin, 16% ee ka dhimanna ay u ololeeyaan sidii ay kuheli lahaayeen. Waxaa kaloo kulankaas lagu la-faguray fududeynta maalgelinta iyo saadka doorashada iyo diyaarinta qorshe hufan oo dhinaca amniga ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia, Danjire Michael Keating, oo magaca Wakiilada Beesha Caalamka ku Hadlayay, ayaa Shaaciyay in ay soo Dhaweynayaan Horumarka ay Sameeyeen hoggaamiyeyaasha siyaasada, isagoo ku dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada dadka Soomaaliyeed ee ah in doorashooyin ay dalka ka dhacaan. Danjire Keating ayaa intaas ku daray in Beesha Caalamka ay si dhameystiran u taakuleyn doonto hawlaha Doorashooyinka Soomaaliya ayna diyaar u yihiin inay Soomaalida arrimahaas kala shaqeeyaan.

Kulankaasi kaddib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, madaxda madasha iyo wakiillada beesha caalamka waxay kulan la yeesheen guddiga u qaabilsan qoondada haweenka ee matalaadda goleyaasha qaranka oo ay iska soo qaadeen xaqiijinta kuraasta ay haweenka helayaan doorashada dhaceysa sannadkan 2016-ka.

Ugu dambeyn, Madaxda kulamadan ka Qayb-gashay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyha Baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari, RW-ha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxda Maamul-goboleedyada Somalia, Dhanka Beesha Caalamkana waxaa joogay wakiilka Mareykanka ee arrimaha Somalia, Donald Yamamoto, Wakiillada Midowga Afrika, Talyaaniga, Sweden, Kenya, Ethiopia, Uganda, Britain iyo kuwo kale.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay