Dawlada Uganda ayaa sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya dhamaadka sanadka 2017. Uganda ayaa kamid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM ee taageera dowladda Soomaaliya.

Madaxa ciidamada Uganda, Jeneral Katumba Wamala ayaa sheegay in Uganda ay go’aan ku gaadhay inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, sababtoo ah in la gaadhay xiligii ay ciidamada Soomaaliya lawareegi lahaayeen ammaanka. Wuxuu sheegay in aysan ciidamada ajnabiga ee tababaraya ciidanka Soomaaliya lahayn iskaashi.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay