Wararka ONA kasoo gaadhaya caasimida gobolka Oromiya ee Adama ayaa sheegaya in uu ka qarxay bam-gacmeed magaalada Adama, halkaasoo 6-carruur ah uu kasoo  gaadhay dhaawac halis ah.

Warku waxuu intaas ku darayaa in caruurtii  hospitalka magaalada Adama loola cararay. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa cirka isku shareeray kacdoonkii ay wadeen shacabka Ormiya kaasoo gobolo badan laga mudaharaaday.

Ciidamada Sirdoonka Itoobiya ayaa shacabka Oromiya gaar ahaan dhalinyarada u khaarajinaya si ay u damiyaan kacdoonka ay wadaan taas oy ku guul daraysteen in ay damiyaan.

Xaalada gobolka Oromiya ayaa aad u qasan, in ka badan 8 biloodna oo uu kasocday kacdoon shacab, kacdoonkaas oo lagaga soo horjeedo xukuumada Addis Ababa ee uu ururka TPLF kataliyo.

Kala soco ONA wixii faahfaahin ah ee warkan kasoo kordha & waraka kaleba ee Itooba kusaabsan.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay