Shir wadajira u qabanayaan Baarlamaanka UK xubno kamida iyo Haayada Xuquuqul Insaanka Amnesty International ayaa laguwada innuu ka dhaco Xarunta Amnesty International ee Dalka UK 5 July 2016.

Kulankan oo xaalada Xuquuqul insaan ee dalka Ethiopia looga faaloon doono waxaa lagu daawan doona filimaan cusub oo kawaramaya Qadiyada Ogaden iyo tacadiyada gumeysiga Ethiopia ka geysto dhulka Ogaden iyo guud ahaan dalka Ethiopia.

Waxaa kale oo looga haldi doona lacgaha dalka Ethiopia lasiiyo iyada oo lasoo bandhigi doono Kiisas la hor keenay maxkamada sare ee dalka UK midkaas oo lagu dhaleeceeyay dowlada UK sida lacagaha ay siiso Ethiopia wax yeelo loogu geysto dad maati ah.

Waxaa kale oo looga hadli doona Xaalada Qowmiyada Oromada iyo kacdoomada cusub ee ka jira Oromiya.

Shirkan oo loogu magac bixiyay Qaraxa kasoo food leh dalka Ethiopia waxaa lagu saadalinaya waqtiga gabaabsiga ah ee Taliska Gumeysiga Ethiopia iyo sida fashilan ee caalamku indhaha uga heysto.

Waxaana ka hadli doona khubaro ajanabi ah oo Xaalada Ethiopia aad ula socda.

Shirarkan waxay daba socdaan Dadaaladii Jaaliyada Somalida Ogaden iyo Jaaliyada Oromadu wada jirka uga wadaan dalka UK.

image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay