Markii aad maqashaan magaca Ethiopia waxaa niyadeena kusoo dhacaya xabashi dad sabool ah iyo ciidan didaaya oo wata qoryo iyo gawaadhida ciidanka (Uraal) hadaba su’aashu waxay tahay ethiopia wa ayo? waa dad iyo dawlad noocee ah? waxaa inoo qeexaysa war bixin lasoo saaray 2016 taasoo lagu sheegay 10-ka wadan ee aduunka ugu saboolsan oo ay Ethiopia na kujirto.

War bixintan oo soo baxday bishan june 18, 2016 ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay gashay kaalinta 9-aad ee wadamada aduunka ugu saboolsan run ahaantii ethiopia oo caado u tahay inay bulshada iyo caalmakaba u sheegto been propagando horumar aan sal iyo raad toona lahayn ayaa ceeb teeda lagu shaaciyay war bixintan.

Wadamada Somalia, Eritrea iyo Djabouti ayaan lagu soo darin 10 kan wadan ee caalamka ugu faqrisan halka ethiopia ay ka gashay kaalinta 9-aad su’aasha is way diinta mudan ayaa waxay tahay hadii ay ethiopia dii gumaysiga ku haysatay wadanaka Ogadenya ay sidan tahay maxaan ka filanaa ama aan ka sugnaa xaalada Ogadenia ee gumaysigu nus qarniga haysto inuu noqdo soo jawaabtu noqon mayso uun (Geela magan Faruur kuwa Dabayaala ayaan Sii Daba Naalaa)?

Bal aan Qooraansano xaalada dhabta ah ee Ogadenya inagoo ka fiirinayna dhinaca horumarka oo marar badan ay ka dhawaajiyaan kooxda macaan jecesha ah ee Jigjiga joogta. Waxaa xaqiiq ah inaad ku qanci doonta sawiro uu noosoo qaaday mid kamida wariyayaashena magaalada Jigjiga uga soo warama ONA, sawiradan oo muuujinaya xaalada dhabta ah ee magaalada Jigjiga oo runtii gumaysigu ka sheego horumar beena ah oon sal iyo raad toona lahayn.

 

Hadaba is waydii maxa ka dambeeya in la sameeyo kooxo afka somaliga ku hadla oo faafiya beenta iyo propagandada gumaysiga ayagoo lagu siiyay lacagyoow aad u badan in ay fariintaas gudbiyaan oo kaliya.

Marar badan waxaan ka aragnaa wado dheer oo Jigjiga dhex marta laakiin sababta loodhisay wali ismaadan waydiin ayaa lagayaabaa wadadaas. wadadaas waa wadada kaliya ee laami ah ee wadan Ogadenya laga dhisay waxaana loo dhisay oo kaliya sidii uu gumaysiga u boobi lahaa shidaalka iyo khayraad Ogadenya ayna ugu fududaan lahayd inay boobaan hantida Shacabka Somalida Ogadenya.

Xaqiiqada dhabta ah ayaa waxay tahay hadii ay Itoobiya in xaalada wadan Ogadenya ay tahay sida ay sheegi horumar bash bash iyo barwaaqo ay kajirto waxay u fasixi lahayd ha’ayadaha iyo wariyeyaasha caalamiga ah inay tagaan oo ay soo arkaan xaqiiqada iyo dhabta taala Ogadenya balse taas badalkeeda waxay u diideen inay galaan wax ha’ayad ah ah ama wariyeyaal caalami ah oo xaalada dhabta ah kasoo warama.

ji 2

ji 3

ji 4

ji 1ji5

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay