Wararka naga soo gaadhaya Gudaha Ogadenia ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Gumaysiga Itoobiya ay gaysteen tacadiyo isuga jira Dil, Xadhig, Dhac iyo Kufsi ay kula kaceen shacabka Ogadenia gaar ahaan shacabka  ku dhaqan Gobolka Nogob.

Warkan ay ONA heshay ayaa sheegaya in markay taariikhdu ahayd 13 June, 2016 tuulooyinka Cayuun iyo Barmiil oo katirsan dagmada dhuxun laga soo qabqabtay dad shacab ah oo gaadhaya 20-ruux waxaana lagu soo xidhay xabsi ku yaala dagmada  dhuxun oo ka tirsan isla Gobol Nogob.

Dadkan shacabka ah ayaa waxaa la iskugu daray dhac iyo xadhig kala duwan. Hadaba waxaan helay qaar kamid ah shacabkan dhibaatada loogaystay magacyadoodii, waxayna kala yihiin:-  Dhuux Heebaan, Xuseen Heebaan iyo oday 70-jir ah oo lagu magacaabo Saxane iyo wiil uu dhalay oo aanaan haynin magaciisii.

Dhinaca kale shacabkan ayaa waxaa laga dhacay hantidii ay lahaayeen waxaana lagu xareeyay xero kamid ah xerooyinka ciidanka Gumaysiga Itoobiya uu ka samaystay Ogadenya gaar ahaan magaalada Dhuxun.

Ciidanka wayaanaha ayaa laban laabay tacdiyada ay ku hayeen shacabka Somalida Ogadenia bilihii ugu dambeeyay waxayna guud ahaan dhulka Ogadenia ka wadaan Boob, Dhac iyo Xadhig baahsan oo ay ku hayaan shacabka qaybihiisa kala duwan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay