Waxaa dhamaan bulshada somaliyed ee kunool UK la ogaysiinayaa in ay kasoo qaybgalaan shir aad loosoo agaasimany looguna magac daray Xasuuqa Gumaysiga Ethiopia ay kawado dhamaan dhulka somaliyeed gaar ahaan Ogadeniya, shirka waxaa kasoo qaybgalaya xildhibaano ka tirsan Parliament ka UK iyo hay’ado kaloo  caalami ah.

Amnesty international oo Marti galisay shirka iyo khuburo fara badan oo ku xeel dheer arimaha xasuuqa (genocide) ka ah iyo dambe baadheyaal caalami ah waxaana lagu soo ban dhigi doonaa filim cusub oo cadayn u ah xasuuqa ee ay Ethiopia kawado Ogaden iyo Oromia waxaana intaas dheer cadaymo kale oo muhiim ah.

Shirkan oo ah mid aad u wayn waxaan ku lagu martiqaadayaa dhamaan inta jecel xorriyada. Hadaba waxaa laga codsanayaa dhamaan shacabka Somaliyeed ee Xorriyada iyo Somalinimadu ku wayntahay inay munaasabadan taariikhiga ah kasoo qaybgalaan.

ogaysiis

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay