Gobalada Scotland iyo Nothern Ireland oo iyagu si weyn u taageersanaa inay kasii mid ahaadaan Midowga Yurub ayaa sheegay inay hada bilaabayaan dadaal cusub oo ay madax banaani ku helayaan kadib markii inta badan gobalada kale ee wadanka UK u codeeyeen inay ka baxaan EU-da.

england-scotland-wales-northern-ireland

Inta badan shacabka Scotland, Nothern Ireland iyo waliba caasimada London ayaa si weyn uga soo horjeeday in UK ka baxdo EU-da balse waxaa ka xoog batay cododka deegaanada kale ee gobalada England iyo Wales oo iyagu si weyn looga codeeyey inay wadanka UK isaga baxo Midowga Yurub.

 

Haweenayda hogaamisa Scotland Nicola Sturgeon ayaa sheegtay inay kulan deg deg ah yeelan doonaan ismaamulka Scotland iyagoona eegaya sidii loo diyaarin lahaa afti kaloo ay Scotland uga goosato wadanka UK.

Sidoo kale gobalka Nothern Ireland oo hoos yimaada UK ayaa isaguna walaac ka muujiyey natiijada aftidii, isla markaana sheegay in dhaqaalahooda si weyn ugu xidhanyahay Midowga Yurub. Gobalkan ayaa sidoo kale wada qorshe uu kula midoobayo Wadanka Ireland (Koonfurta Ireland) oo ay xaduud wadaagaan isla markaana kamid ah Midowga Yurub.

Xiisadan ka dhalatay Aftidii loo qaaday xubinimada UK ayaa horey usii galaafatay Raysalwasaare David Cameron oo isagu sheegay inuu xilka wareejinayo bisha Oktoober kadib markii xisbigiisa uu yeesho shirweynahooda oo lafilayo in hogaamiye cusub lagu soo dooran doono. Cameron ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu faraha lagalo caqabooyinka cusub ee hada horyaal dalka UK oo ka baxaya Midowga Yurub iyo gorgortanka xoogan oo ay lageli doonaan wadamada kale EU-da.

Dhinaca kale waxaa hoos u dhac weyn ku yimid durbaba qiimaha lacagta Istarliinka ama Pound-ka Ingiriiska iyadoo maalgashiyaasha caalamka ay bilaabeen inay lacagtooda kala baxaan suuqyada Ingiriiska iyagoo ka walaacsan in khasaare kasoo gaadho hoos u dhaca suuqaasi mar hadii dalkaasi uu ka baxay Suuqa weyn ee Midowga Yurub.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay